Caddaaladii Omer Binu Khadaab Iyo Ta Somaliland Intay Kala Fog Yihiin.

0
Monday October 19, 2020 - 09:54:35 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 925
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Caddaaladii Omer Binu Khadaab Iyo Ta Somaliland Intay Kala Fog Yihiin.

    W/Q: Mohamed Bashe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Mohamed Bashe
Waxaa maqaalkan u soo jiitay markaan arkay qiso dhacday xiligii  uu Ammiirka Islaka ahaa Omer Binu Khaddaab (RC) imikana Hargeysa ka dhacday Dhowaan.


Berigii Omer  Binu khaddab ammiirka  u ahaa Islaamka  ayaa Masar wuxuu Madax uga dhigay Saxaabigii weynaa ee  Caamir  Biu Caas . Maalin maalmaha ka mida  waxaa meel ku beretamay  wiil uu nin  Masri ah oo gaali dhalay  iyo  wiil  uu Caamir  Binu Caas dhalay,  Caamirna isagaa Masar u Madax ahaa .Beretankii labada  wiil waxaa dheereeyey wiilkii  ninkii Masariga ahaa EE gaalka ahaa dhalay  dabadeed wiil uu Caamir binu Caas dhalay  isagoo  kibirsan wiilkii Gaalku dhalay shaabuug buu dabada u qabtay oo yidhi  anigoo ina Ammiir ah sidaad iiga dheeraysaa. Arintii ayaa inankii Masrigu dhalay aabihii oo aan Muslimba ahayn gaadhay, dabadeed isagoo ku kalsoon Caddaalada ka jirtay  Dawladda Islaamka ee Omer Binu khaddaab Amiirka ka YAHAY buu  ninkii Masar ka lugeeyey oo Midiina u lugeeyey isagoo bil dhan sii socday. OMER BINU KHADDAAB BUU ARINKII U SHEEGAY OO CADDAALAD KA DOONAY.  OMER MARKIIBA WUXUU U YEEDAY CAAMIR BINU CAAS OO MASAR JOOGA IYO INANKIISII,  MARKAY U YIMAADDEEN  ARITANI MA U JIRTAA SIDA NI KANI II SHEEGAY, HAA BUU KU YIDHI . INANKII MASRIGA AHAA IYO ABBIHII BUU SHAABUUG U DHIIBAY OO YIDHI INTII UU KUGU DHUFTAY KU DHUFO IMIKA,  SIDAASAY CADDAALADII KU DHACDAY OMER BINU KHADDAAB(RC).



Dhowaan Hargeysa nin KIJAANDHI la yidhaa  oo Baarlamaanka SOMALILAND ah baa  inan yar oo taayir Banjariya ah oo rubuc Dollar ku banjariye taayirada lacagtaana wax yari kasoo gaadho oo uu wax ku cuno lacagtii ka dafiray markuu weydiiiyeyna garaacay illaa uu koomo galay. Arintaasi meel WALBA wey gaadhay ilaa Madaxweyne Muse Biixi oo kursiga ku fuulay caddaalad baan keendoonaa. Arintiina taayirlihii may dhaafin.


Inagoo Xukuumad sheegana oo Maxkamado sheegna, mid sare iyo mid gobol iyo Madaxtooyo iyo Baarlamaano 
CADDAALADDII WEY INAGU DUL DHIMATAY OO MASAAJIDADII SHEEKH WALBA WUU BAQANAYAA HADDUU CADDAALADDA KA HADLO IYO QOFKA MADAXDA AH SIDUU MASAAKIINTA UGU TUMANAYO MAALIN KASTA.


DHACDADAASI WAXAY I TUSAYSAA INTA  MAAMULKA SOMALILAND DIINTA ISLAAMKA KA FOGYEY, WAXAY KU TUSAYSAA IN MAALIN KASTA BOQOL DHACDO OO LA NOOCI WADANKA KA DHACAAN .


KIJAANDHI HALKANUU BAARLAMAAN SHEEGANAYAAA CIDINA MEEL UGAMA YEEDHIN ARINTAANA WAA FICILKA MADAXWEYNE MUSE MADAXTOOYADA KAGA SHAQQEEYO HADDAANUU MADAXDA WADANKA MASAAKIINTA KA QABAN.

 BASHE

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...