Khilaafkii Ugu Cuslaa Oo Soo Kala Dhexgalay Labada Kornayl Ee Ugu Sareeya Xukuumada Somaliland Iyo Xisbiga Kulmiye.

0
Sunday October 18, 2020 - 20:06:33 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 6581
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Khilaafkii Ugu Cuslaa Oo Soo Kala Dhexgalay Labada Kornayl Ee Ugu Sareeya Xukuumada Somaliland Iyo Xisbiga Kulmiye.

    Dhinaca Bari ee magaalada Burco ayey sidoo kale wareegayaan baabuur lagu xidhay mikirifoono

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhinaca Bari ee magaalada Burco ayey sidoo kale wareegayaan baabuur lagu xidhay mikirifoono

Hargaysa (HWN) Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin ayaa isku seegay qorshihii uu Muuse ku horkeenay golaha wasiirada xayiraad ka qaadida shirkadaha Fly Dubai iyo Air Arabia, iyada oo wasiir kaahin doonayey in madaxweynuhu toos uga qaado balse ay lama filaan ku noqotay doodaha sharciga iyo heshiisyada ee Muuse la ymid miiskii wasiirada.

 

Sidoo kale mudadii shirku socday ayey wararku sheegeen in wasiir Maxamed Kaahin ay is af dhaafeen qaar ka mid ah wasiirada oo uu ka mid yahay Siciid Sulub.

 

Khilaafka labada kornayl ayaa sababay in wasiir Kaahin ka hadho safarka Muuse Biixi ugu baxay gobolka Togdheer iyada oo ilaa hada aanay khilaafkooda xal ka gaadhin.

 

Dhinaca kale masuuliyiin ka soo jeeda bariga Burco oo ay ka mid yihiin wasiir Hinda Gaani, Gudoomiye Xinif iyo xubno kale ayaa madax dhaqameedka Habarjeclo kula kulmay Burco kuwaas oo ka codsaday cuqaasha iyo salaadiinta beeshooda inay soo dhaweeyaan madaxweynaha iyo weftigiisa.

 

Dhinaca Bari ee magaalada Burco ayey sidoo kale wareegayaan baabuur lagu xidhay mikirifoono kuwaas oo shacabka ka dalbanaya inay u soo baxaan soo dhawaynta Muuse Biixi


Loading...
Loading...