Saciid Deni oo maanta loo xiray wadooyinka Garowe & Sababta

0
Sunday October 18, 2020 - 13:03:59 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 2026
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saciid Deni oo maanta loo xiray wadooyinka Garowe & Sababta

    Sidoo kale Ciidamada Ammaanka ee Magaalada Garoowe ayaa Maanta markii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidoo kale Ciidamada Ammaanka ee Magaalada Garoowe ayaa Maanta markii




Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Maanta dib ugu laabtay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, iyada oo siweyn loo soo dhaweeyay.

 

Madaxweyne Deni oo kasoo ambabaxay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa Maanta ka duwaneyd sidii loo soo dhaweyn jiray, waxaana garoonka Garoowe ku sugnaa Boqolaal ruux oo isugu jiray mas’uuliyiin iyo Shacab ah.

Sidoo kale Ciidamada Ammaanka ee Magaalada Garoowe ayaa Maanta markii ugu horreysay soo dhaweyeta Deni u xiray inta badan wadooyinka Magaalada Garoowe, isla markaana loo diidayay dadka iyo gaadiidka inay isticmaalaan.

 

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi deni ayaa muddo 45 Cisho ka badan ka maqnaa degaannada puntland, waxaa uu Muqdisho uga qeyb-galay shirkii lagu gaaray heshiiskii doorashada, waxaana uu safar ku tegay dalka Kenya, isaga oo uga sii gudbay wadanka Imaaraadka Carabta. Balse markale uu dib ugu soo laabtay Kenya, hayeeshee ugu dambeyn uu Maanta tegay Magaalada Garoowe.


Loading...
Loading...