Hakad ku yimid diyaaradihii tegi jirey magaalada Beledweyne

0
Sunday October 18, 2020 - 12:46:14 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 1302
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hakad ku yimid diyaaradihii tegi jirey magaalada Beledweyne

    Madaxa Garoonka Ugaas Khaliif oo warbaahinta la hadlay ayaa Carabka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxa Garoonka Ugaas Khaliif oo warbaahinta la hadlay ayaa Carabka




Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa saacadihii lasoo dhaafay ka da’ayay Roobab mahiigaan ah oo ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada Magaalada.

 

Roobabkii ka da’ay Magaalada Baladweyne ayaa waxaa lagu soo waramayaa inuu saameyn ku yeeshay duulimaadyadii Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif Airport, isla markaana uu xirmay.

Wariyeyaal ku sugan Baladweyne ayaa waxaa ay sheegeen in Garoonka diyaaradaha ku rogmadeen daadad biyo badan watay, kuwaasi oo ka hooray ah roobabkii saacadihii lasoo dhaafay ka da’day halkaas.

 

Madaxa Garoonka Ugaas Khaliif oo warbaahinta la hadlay ayaa Carabka ku dhuftay inay rajeynayaan in 48-saac gudahood uu ku furmo Garoonka, ayna dib u bilowdaan duulimaadyadiiGaroonka oo hakad ku jira.

 

Inta badan xiliyada ay roobabka ka da’aan Gobolka Hiiraan ayaa waxaa saameyn ku yeesha isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha ee isaga kala goosha deegaano ka tirsan Gobolkaas, isla markaana waxaa xirma Garoonka diyaaradaha Magalada Baladweyne.


Loading...
Loading...