Faah faahin laga bixiyay Wariye ay xireen Ciidamada Dowladda

0
Sunday October 18, 2020 - 12:42:38 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 912
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faah faahin laga bixiyay Wariye ay xireen Ciidamada Dowladda

    Agaasimaha Idaacadda Kulmiye Burhaan Diini Faarax oo Warbaahinta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Agaasimaha Idaacadda Kulmiye Burhaan Diini Faarax oo Warbaahinta



Ciidamo katirsan Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa xalay howgiisa u dhacay kana soo xiray Wariye Cabdulaahi Kulmiye Cadow oo katirsan Idaacada Kulmiye ka howlgasha Muqdisho.

Agaasimaha Idaacadda Kulmiye Burhaan Diini Faarax oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada NISA xalay howgiisa kala baxeen Wariye Cabdulaahi Kulmiye Cadow, waxa uuna sheegay in xarigiisa aysan ciidamada u heysan wax fasax ah.

 

Waxa uu sheegay Burhaan Diini in xariga Wariye Kulmiye in ay tuhmayaan kaliya in ay la xariirto wareysi uu maalmo kahor ka qaaday Ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Cadaan.

Xarigan loo geestay Wariye Cabdulaahi Kulmiye Cadaw ayaa kusoo aadaya xili ciidamada Nabad sugida Soomaaliya sidoo kale habeen hore xabsiga dhigeen ganacsade Abuukar Cumar Cadaan oo isna loo xiray wareysiga uu bixiyay.


Loading...
Loading...