Siyaasi Ismaaciil Buubaa Oo Soo Bandhigay Qaab Dhismeed Cusub Oo Uu Doonayey In Loo Dhiso Xisbiga Waddani

0
Sunday October 18, 2020 - 11:22:54 in News by
  • Visits: 3151
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi Ismaaciil Buubaa Oo Soo Bandhigay Qaab Dhismeed Cusub Oo Uu Doonayey In Loo Dhiso Xisbiga Waddani

    Siyaasi Ismaaciil Buubaa Oo Soo Bandhigay Qaab Dhismeed Cusub Oo Uu Doonayey In Loo Dhiso Xisbiga Waddani

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasi Ismaaciil Buubaa Oo Soo Bandhigay Qaab Dhismeed Cusub Oo Uu Doonayey In Loo Dhiso Xisbiga Waddani


Hargeysa(HWN):-Siyaasi Ismaaciil Maxamuud Hurre(Buubaa) oo ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa soo bandhigay tallo uu soo jeediyey oo ku saabsan in wax ka badal lagu sameeyo qaab dhismeedkak xisbiga Waddani.

Somaliland 28 Sannadood Ayay Ku Muujisay Dimuqraadiyad Iyo Xasilooni Siyaasadeed”Prof Buba | WAJAALE NEWS


Siyaasi Buubaa oo taladan u soo jeediyey xisbiga Waddani badhtamihii sanadkii 2019 ayaa haatan si rasmi ah ula wadaagay shacabka, isaga oo ku soo bandhigay barta uu ku leeyahay Facebook.


Qaab dhismeedka uu siyaasi Buubaa soo jeediyey in loo dhiso xisbiga Waddani ayaa u dhignayd sidan:-


Casriyeynta Iyo Tayeynta Qaab-dhismeedka Xisbiga Waddani: Soo Jeedin

Hordhac:


· Xisbi kasta oo siyaasadeed Qaab-dhismeedkiisu wuxu muraayad u yahay hiiraalka siyaasadeed ee xisbigu hiigsanayo iyo himalooyin kuu doonayo inuu uhorseedo ummaddiisa.


· Hiiraalka siyaasadeed ee Xisbiga Waddani hiigsanayo waa mid ku salaysan dimoqraaddyad iyo xukun daahfuran oo lawada leeyahay oo ka soo maaxaya tartan ka dhexdhaca axsaab kala duwan oo si xor oo xalaal ah ugu loolamay codadka dadweynaha Soomaaliland.


· Qaabdhsmeedka xisbigu wuxu u baahanyahay wax-ka-bedel si u hiigsigiisaa uhanto.


Casriyeyn iyo Tayeyn:


· Hay’adaha kala duduwan ee xisbigu waxay udhisanyihiin si taagtaagan (vertical) oo tigtigan (authoritarian) oo habdhaqankii siyaasadeed iyo maamul ee kelitaliskii ina soo maray ka soo maaxaya. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa: Waxay na badeen, waxy na bareenbaa ka daran.


· Qaabdhismeed ballacsan (horizontal) oo ka kooban guddiyo ama goobo-hawleedyo (dawaa’ir) oo ka dhisan kana hawlgala heerarka kala duwan ee xisbiga, sida (1) Gudiyada ka hawlgala xarunta dhexe ee xisbiga, (2) Kuwa ka hawlgala gobalada wadankka, (3) kuwa ka hawlgala degmooyinka, iyo waxa ka sii hoseeya.


· Xubinwal oo kamid ah Xubnaha Gollaha Dhexe waxu/waxay ka mid noqonaysaa gudiyaasha midkood, gudiwalbana waxay iska dooranaysaa Gudoomiye, gudoomiye-ku-xigeen iyo xog-haye.


· Gudoomiyeyaasha gudiyaasha Golaha Dhexa waxay abuurayaan Gudoonka Golaha Dhexe , waxayna iska dhex dooranayaan Gudoomiyaha Golaha Dhexe.


· Talowadaag, daahfurnaan iyo saamiqeybsi miisaaman ayay ku astoobayaan gudiyaasha Golaha Dhexe.


· Gudiyaasha Gobolada iyo kuwa Degmooyinku waxay yeelanayaan qaabdhismeed la mid ah kuwa gudiyaasha golaha dhexe.


Guddi Shaqo;


· Ha laga saaro shirkan Guddi ka kooban 9-11 xubnood oo aqoonyahanno iyo siyaasiyiin ruug caddaa ah oo soo diyaariya soo jeedin tafatran oo mowduucan ku saabsan oo ku soo dhameysa muddo min seddex ilaa lix bilood ah.

· Guddidu waxay yeelandoontaa Guddoomiye, laba Guddomiye ku xigeen iyo xoghaye.

Soo jeedin:

Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa)

29/09/2019

Loading...
Loading...