Muuse Biixi Oo Socdaal Ugu Baxaya Qaar Ka Mid Ah Gobolada Bariga, Jawiga Uu La Kulmi Karo Iyo Waxyaabaha U Qorshaysan.

0
Sunday October 18, 2020 - 11:18:53 in News by
  • Visits: 2260
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Oo Socdaal Ugu Baxaya Qaar Ka Mid Ah Gobolada Bariga, Jawiga Uu La Kulmi Karo Iyo Waxyaabaha U Qorshaysan.

    Muuse Biixi Oo Socdaal Ugu Baxaya Qaar Ka Mid Ah Gobolada Bariga, Jawiga Uu La Kulmi Karo Iyo Waxyaabaha U Qorshaysan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muuse Biixi Oo Socdaal Ugu Baxaya Qaar Ka Mid Ah Gobolada Bariga, Jawiga Uu La Kulmi Karo Iyo Waxyaabaha U Qorshaysan.


Hargeysa(HWN):-Madaxweynaha somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta safar ugu baxaya qaar ka mid ah gobolada bariga.


Muuse Biixi oo safarkiisani shalay ka baaqday ayaa haatan qorshaynaya inuu maanta socdaalkiisa ka sii bilaabo magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil iyada oo la dhawrayo mashaariic la sheegay inuu furi doono oo dawladiisu hirgelisay kuwaas oo shacabkuna iswaydiinayaan halka laga fuliyey.



Magaalada Burco ayuu Muuse Biixi gaadhi doonaa maalinta isniinta ah iyada oo aanay jirin wax mashaariic ah oo ka horeeya kuwaas oo uu furi doono balse waxa uu ka qayb gali doonaa xaflada qalin jabinta ardayda ka baxaysa jaamacada Burco.


Inta uu Burco ku sugan Muuse Biixi waxa uu dhagax dhigi doonaa wadada isku xidhaysa magaalooyinka Burco iyo Oodwayne oo xukuumadiisu sheegtay inay hirgelin doonto.


Sidoo kale waxa la dhawrayaa dareenka uu kala kulmo shacabka magaalada Burco gaar ahaan bariga inkasta oo uu haatan iska sii horaysiiyey kulankii uu wasiiradiisa u qabtay ee uu sheegay in xayiraadaha lagaga qaadayo diyaaradaha Fly Dubai Iyo Air Arabia kaas oo u muuqdo mid uu iskaga qaboojinayo mucaaridada kaga imanaysa beesha bariga Burco.


Wararku may sheegin in Muuse Biixi uu gobolka togdheer u dhaafi doono gobolada Sool iyo Sanaag, wakhti saluug badan laga qabo xukuumadiisa oo soo dhaafi wayday Hargeysa.

Deeq A.'s Content - Page 1920 - Somali Forum - Somalia Online
Loading...
Loading...