Madaxweyne Qoor Qoor Galmudug Oo Daah-Furtay Istiraatiijiyadda Waxbarashada
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa daah-furay diyaarinta Istaraatiijiyadda waxbarashada Galmudug muddada shanta sano ee soo socota.
Munaasbaddan oo ka dhacday xarunta madaxtooyada Galmudug ayaa waxaa kasoo qeyb galay Xubno ka tirsan goleyaasha DGM, Maamulka iyo Macallimiinta dugsiyada, Madaxda Jaamacadaha iyo Hay’adaha daneeya arrimaha waxbarashada, masuuliyiin iyo hawlwadeenno ka tirsan wasaaradda waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta sare ee Galmudug.
Madaxweyne Qoorqoor oo khubad ka jeediyey daahfurka istaraatiiyadda waxbarashad ee Galmudug ee 2021-2025 ayaa ku ammaanay wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Galmudug bilowga diyaarinta qorshahaan muhiimka ah ee ka tarjumi doona baahiyaha Waxbarashada deegaanada Galmudug.