Diyaarado ciidamo badan sida oo ka degay magaalada jowhar

0
Sunday October 18, 2020 - 10:50:37 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1103
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diyaarado ciidamo badan sida oo ka degay magaalada jowhar

    Saraakiil ka tirsan laamaha amaanka DF ayaa sheegay in ciidamadan loogu talo galay iney

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saraakiil ka tirsan laamaha amaanka DF ayaa sheegay in ciidamadan loogu talo galay iney

Ciidanka gaarka ah ee haramcad oo lasoobaxay gaardis waali ah iyo diyaar garwga badbaadinta shacabka - YouTube

Dayaarado siday boqolaal ka tirsan ciidanka Booliska DF gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle.

 

Sida wararku sheegayaan illaa saddex dayaaradood oo siday ciidamadan ayaa maanta ka degay garoonka dayuuradaha Jowhar, kuwaasoo ka ambabaxay markoodii hore magaalada Muqdisho.

 

Saraakiil ka tirsan laamaha amaanka DF ayaa sheegay in ciidamadan loogu talo galay iney xoojiyaan amaanka magaalada Jowhar oo lagu wado in dhowaan lagu qabto doorashada hogaanka cusub ee Hirshabelle.

 

Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Cali Guudlaawe, Guddoomiyaha baarlamanka maamulkaasi Sheekh Cismaan Barre Maxamed, Wasiiro, Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo Guddiga soo xulista Baarlamanka labaad ee Hirshabelle ayaa haatan ku sugan magaalada Jowhar.

 

Dowlada Somalia ayaa ku adkeysaneysa in la qabto doorashada Hirshabelle, iyadoo weli ismaandhaaf aan la la xalin uu ka taagan yahay isbedelka lagu sameeyey nidaamka awood qeybsiga beelaha Hirshabelle oo ay diidan tahay beesha ugu weyn gobolka Hiiraan.


Loading...
Loading...