Shirkada DP World Oo Ka Hadashay Heshiiska Carabta Iyo Israa'iil

0
Sunday October 18, 2020 - 08:44:17 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1295
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Shirkada DP World Oo Ka Hadashay Heshiiska Carabta Iyo Israa'iil

    " Israel waan u baahanahay, iyagana way noo baahan yihiin."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

" Israel waan u baahanahay, iyagana way noo baahan yihiin."

"Heshiisyada nabadeed ee ay Israa'iill la gashay Imaaraadka iyo Baxreyn ayaa, " wax weyn u noqon doona" ganacsiga gobolka," mid ka mid ah ganacsatada ugu saameynta badan Bariga Dhexe ayaa sidaasi u sheegay BBC-da.



Sultan Ahmed bin Sulayem, oo ah gudoomiyaha iyo agaasimaha guud ee shirkada DP World ee fadhigeedu yahay Dubai, ayaa sheegay inay meesha ka saarayaan caqabadaha hortaagan isku xirka ganacsiga ee markii horaba "aan la ogoleyn", iyagoo soo gaabin doona waddooyinka ganacsiga isla markaana fududeyn doona la macaamilka Yurub.


Israa'iill ayaa sheegtay in qiyaas ahaan ganacsiga Imaaraadku uu sannadkiiba gaari doono afar bilyan oo doolar, uuna abuuri karo ilaa 15 kun oo shaqo.


Mr bin Sulayem wuxuu qirsan yahay inay faa'iido u leedahay labada dhinacba: " Israel waan u baahanahay, iyagana way noo baahan yihiin."


Waxay u badan tahay in ganacsiga Carabta iyo Israa'iil uu koro haddii lagu daro badeecado badan oo haatan ay dalalka bariga dhexe u soo dhoofiyaan Dubai.


Toddobaadkan, Markabka MSC Paris waxuu noqotay mid ka mid ah maraakiibtii ugu horreysay ee xamuul ah oo sameeya safarka labada dal, waxaana baarlamaanka Israa'iil uu si rasmi ah u ansixiyay heshiiska ay la galeen Imaaraadka Carabta.


Raysal wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa soo dhaweeyay agabkaasi ka kooban qalabka elektarooniga, nadaafadda, birta iyo qalabka dab-demiska waxa uuna ku tilmaamay "bilow aad u weyn".


DP World waa shirkadda maamusha dekadaha aduunka ugu waaweyn waxayna haatan lashaqeyneysaa shirka DoverTower ee ay Israa'iil leedahay si loo balaariyo dalalka ay shirkadda ka howlgasha. Israel waxay dooneysaa inay hagaajiso xarumaha dekedda ee Ashdod iyo Haifa oo muhiim u ah dhaqaalaheeda.


Iraa'iil iyo waddamada carabta ee ku yalla Bariga Dhexe iyo Waqoyiga Afrika waxaa ka dhaxeeyey colaad taariikhi ah wixi ka dambeeyey marki ay Israa'iil aasaasantay 1948-kii, waxaana muddo kaddib Israa'iil heshiis la galay Masar 1979-kii iyo Urdun oo 1994-kii, iyada oo labada dhinacba ay dalka Iiraan u arkaan mid khatar ku ah gobolka.


Heshiiskan Falastiiniyiinta muxuu uga dhigan yahay?

Heshiiskan Israa'iil iyo Iisutagga Imaaraadka Carabta wuxuu ka dhex abuurayaa iney labada dal safaarado isdhaafsadan, wuxuu sida oo kale heshiiskan uu jabinayaa qodobbo ay ka mid yihiin waxyaabaha ugu adag ee ay sanado badan ay Falastiin iyo Israa'iil iskumari waayeen oo ah qorshaha Israa'iil ay ku dooneyso iney ku qabsato dhul hor leh oo ka mid ah daanta galbeed ee Falastiin.


Ra'isal wasaaraha Israa'iil Bejamin Netanyahu wuxuu sheegay dhulka Israa'iil inuu 30% uu u ballaadhinayo dhinaca daanta galbeed oo ay Falastiiniyiintu ku hamminayaan inuu ka mid noqdo dal madax bannaan oo ay Falastiiniyiintu leeyihiin sida uu dhigayo waxa looga yeedhay heshiiska Trump uu damacsan yahay.


Falastiiniyiintu waxay sheegeen tallaabbada noocaasi ah iney halis ku tahay dowladnimadooda inkasta oo ilaa iyo hadda oggolaashihi ugu dambeeyey aan laga helin dhinaca Washington taasoo u muuqato inuu qorshahaasi istaagay.


Heshiisyadan ayaa ah kuwa la xiriira maalgashiga, dalxiiska, duulimaadyo toos ah, ammaanka, isgaarsiinta, tiknoolajiyada, tamarta, caafimaadka, dhaqanka iyo deegaanka.


Waxaa sidoo kale heshiiska mid ah in labada dhinac ay is waydaarsadaan safiirro.

Wasiirka arrimaha dibadda Imaaraadka, Anwar Gargash, ayaa sheegay aqoonsiga ay Imaaraadka aqonsadeen Israa'iil inay ahayd "tallaabo geesinnimo leh ".


Sida looga falceliyay?

Rai'sul wasaaraha UK Boris Johnson ayaa soo dhaweeyay waxaa uuna sheegay in ay tahay tallaabo loo qaaday dhanka nabadda bariga dhexe.


Madaxwaynaha Masar cabdul Fattah al-Sisi ayaa dhankiisa soo dhaweeyay heshiiska, halka wasiirka arrimaha dibadda Urdun uu sheegay in heshiiskan uu gacan ka geysan doono in wadahadaladii istaagay al sii wado.


Waddamada Baxrain iyo Cummaan ayaa heshiiskaasi soo dhaweeyey, balse dalka sacuudi Carabiya oo saaxib dhow la ah Mareykanka ayaan ka hadal heshiiskaasi.


Maamul Falastiin oo heshiiskaasi ku tilmaamay mid khiyaana ah wuxuu dib ugu yeertay safiirka u fadhiyey Iisutagga Imaaraadka Carabta.


Wasaaradda arrimaha dibadda iiraanna heshiiskaasi waxay ku tilmaantay "mid falastiiniyiinta dhabaraka ka toogatay", iyada oo Iisutagga Imaaraadka Carabta ku tilmaantay "mid ceebeysan".


Madaxweynaha dalka Turkiga, Rajab Teyib Erdogan ayaa ka hadlay heshiiska taariikhiga ahaa ee ay gaareen dalalka Imaaraatka Carabta iyo Isra'iil.


Madaxweyne Erdogan oo khudbad ka jeediyay telefishenka ayaa sheegay in dalkiisa ay dhici karto in uu xiriirka u jaro Imaaraatka, waxaana sababta uu ku sheegay xiriirka ay la yeelaneyso Isra'iil.


"Tallabaad la xiriirta arrinta Falastiin, ma ahan mid inaga dageyso, waxaa laga yaabaa in aan qaadno tallaabo aan meesha uga saareyno xiriirka diblomaasiyadeed ee naga la dhaxeeya Abu Dhabi, waxaana dhici karta in aan u yeerano safiirka halkaa inoo fadhiya," ayuu yiri madaxweyne Erdogan.


Erdogan ayaa intaa sii raaciyay "waxaan garab taaganahay shacabka Falastiin, waligeenna ma oggolaanin in Falastiin la burburiyo."

 

BBC

 

Loading...
Loading...