Hoggaamiye Xirsi Oo Muuse Biixi Ku Canaantay Inaanu Tix-gelin Siinin Ardayda Jaamacaddaha Ka Baxaysa
Hoggaamiye Xirsi Oo Muuse Biixi Ku Canaantay Inaanu Tix-gelin Siinin Ardayda Jaamacaddaha Ka Baxaysa

Hargeisa(HWN):-Hoggaamiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka hadlaayay Munaasibad loo qabtay Arday ka qallin-jebisay Jaamacadda New Generation ee Caasimadda Hargeisa, ayaa waxa uu sheegay in Muuse Biixi uu ka gaabiyay innuu shaqo u abuurro dhalinyaradda tirada badan ee jaamacaddaha dalka ka soo baxaysa Sanadkasta.

Hoggaamiye Xirsi waxa kale oo uu Xukuumadda ku dhaliilay inaanay ka qayb-gelin Xafladdaha qallin jebinta ah oo aannay Moorralka dhalinyaradda Jaamacaddaha ka soo baxaysa ilaalin, waxaannu ugu baaqay Muuse Biixi iyo Xukuumaddiisa kol haddaanay shaqo abuur u samaynayn Ardayda inay ugu yarraan kala soo qayb-gallaan maalmaha qallin-jebinta oo ay qalbigoodda kor u qaaddaan.
"Xafladdan qurxoon ee ay ku qalin-jebinayaan 700 oo Arday waxay ahayd in Madaxweynuhu kala soo qayb-galo oo haddaan Shaqo loo samayn karrayn Xafladdaha lala camirro oo qalbigoodda kor loo qaaddo
Asalkaba haddii aynaan Ardayda wax kale u tarayn, waxa wanaagsan in maalintoodda loo soo camirro oo loo qurxiyo oo la garab istaago. Anigu idin niyad-jebin maayo, adigoon aan waxba aqoon waxa ka fiican adigoo Aqoonyahan ah oo guriga iska jooga, oo markaad shaqo heshanna shaqaysta haddii aad meel kale u tacabirtanna Aqoontaaddii baad sidataa, markaa ruuxa wax bartay iyo ruuxa aan waxba baranin ma sinna, aqoontunna waa ilays." Ayuu yidhi Xirsi Cali Xaaji Xasan
Loading...
Loading...