Ma Ogtahay :- .Waxa Fahansantay

0
Saturday October 17, 2020 - 11:49:17 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1016
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma Ogtahay :- .Waxa Fahansantay

    Handaraabka caalamiga ah ee saaran Aviationka Somaliland waa intaa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Handaraabka caalamiga ah ee saaran Aviationka Somaliland waa intaa.

1. Diyaarad kasta oo doonaysa in ay duulimaadyo ku timaado Hargeisa, waxa ogolaanshaha ama permissionka siinaysa Muqdisho (Air Service Agreements).

 

2. Diyaarad kasta oo soo galaysa Airspaceka Somaliland waxa laga hagaa ama laga maamulaa xarunta Mudqisho oo ah Flight Information Region (FIR).

 

3. Diyaarad kasta oo doonaysa in ay duulimaadyo ganacsi ku timaado Somaliland, waxa ay ku khàsban tahay in ay heshiis Maxali ama Local ah la gasho Hayada Duulista iyo Madaarada Somaliland.

 

4. Diyaarad kasta oo doonaysa in ay ku dagto garoon ku yaala Somaliland, waa in ay xidhiidh la samaysaa garoonka ay ku.dagayso marka ay soo dhawaato (approach).

 

5. Masuuliyada guud ee hawada sare waxa ay saaran tahay ama ka masuul ah Soomaaliya.

 

6. Maauuliyada garoomada diyaaradaha ee ku yaala Somaliland waxa ay saaran tahay Hayada Duulista iyo Madaarada Somaliland.

 

7. Soomaaliya waxa ay awood sharci u leedahay in ay hawada ka celiso ama u diido in ay dul maraan hawada Somaliland diyaarad aanay doonahayn. U hogaansamid iyo iska dhagomarin labadaba waa laga fili karaa diyaaradaha, maadaama aanay jirin awood ciidan cirka ah oo lagu fulin karo amarkaa.

 

8. Diyaarad kasta oo haysata ogolaansha Muqdisho oo aan Soomaaliland ogolaansho ka haysan kuma dagi karto garoon ku yaala Somaliland oo ay dawladu xukunto.

 

9. Soomaaliya waa dal la aqoonsan yahay itaal kasta ha lahaadee, laakiin Somaliland aqoonsi ma haysato.

 

10. Handaraabka caalamiga ah ee saaran Aviationka Somaliland waa intaa.

 

waxaa inoo diyaariyay cabdikariin c baarjeex


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...