Sidee Ay Tahay In Aad Ilmahaaga Lacagta U Siiso?

0
Saturday October 17, 2020 - 11:43:43 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1104
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sidee Ay Tahay In Aad Ilmahaaga Lacagta U Siiso?

    Iska jir in uu ilmahaagu uu kuu arko khasnad uu leeyahay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iska jir in uu ilmahaagu uu kuu arko khasnad uu leeyahay

1. Weligaa ha isku kallifin in aad ilmahaaga ka bixiso kharash aanad dhaqaale ahaan awoodayn, xitaa haddii ay tahay in aad u iibiso shay uu aad u xiisaynayo ama in badan kaala hadlay in aad u iibiso. Tusaale ahaan iyada oo aanu dakhligaaga ka go’i Karin ha isku kallifin in aad u iibiso taleefanka gacanta noocyadiisa qaaliga ah. Ilmahaaga u diyaari in uu fahmo duruufta runta ah ee aad la nooshahay isagana ay waajibka ku tahay in uu la qabsado. In uu fahmo in wax kasta oo aad u iibinaysaa uu ku xidhan yahay awooddaada dhaqaale waxa ay u bislaynaysaa in mustaqbalka uu noloshiisa dabbaran karo.

 

2. Cilmibaadhiso lagu sameeyey kharashaadka qofka kaga baxa caafimaadka ayaa lagu ogaaday in aadamuhu uu boqolkiiba 90 dakhliga soo gala toban sano ee u dambeeya cimrigiisa, uu ku bixiyo caafimaadkiisa iyo kharashaadka kale ee daryeelkiisa la xidhiidha.

 

3. Iska jir in uu ilmahaagu uu kuu arko khasnad uu leeyahay oo kharash uu ka heli karo mar kasta oo uu u baahan yahay. Haddii ilmahaaga oo da’da wax kala garashada gaadhay aad ku aragto in aanu faham u lahayn xaalkaaga maaliyadeed, isla markaana aanu isku dayeyn in uu ogaado ilaha dakhligu kaa soo galo, waxaa fiican in aad ka joojiso lacagta aad siinayso ama waxyaabaha aad u iibinayso ee aan nolosha daruuriga u ahayn. Si uu u bilsaado in uu xaalkaaga u kuurgalo, kaana waraysto duruufaha adiga iyo qosyku aad maraysaan.

 

4. In aad carruurtaada u cadaalad samaysaa waa waajib, waxa aanay xaaladdu sii darantahay marka mid ka mid ah aad siiso lacag ama ka bixiso kharashaad adiga oo aan kuwa kalana siinayn. Tus carruurtaadu in ay kuu siman yihiin kharashka aad ka bixinaysaana ay ku xidhan yihiin hadba baahida lagama maarmaanka ah ee mid kastaa leeyahay.

 

Marjaan


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...