'' Lixle Maanta Hala Xuso ''.

0
Saturday October 17, 2020 - 09:27:09 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2018
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Lixle Maanta Hala Xuso ''.

    W/Q: Ahmed Nour Guruje

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ahmed Nour Guruje

 

Eng Maxamed Xaashi Diiriye , wuxuu ahaa muhindiskii hindisey aragtidda ay dib ugu soo noqotay Somaliland , sababtoo ah ;:-

 

1- 1961 Markii uu fashilmey inqilaabkii saraakishu , iyaddoo askarta Somaliland joogta oo dhami ahaayeen reer Somaliland hadna waxay go'aansadeen in aanay gelin dagaal toosa .

 

2- 1964 markii ay is casileen wasiiradii reer Somaliland 1964 , reer Somaliland may go'aansan in ay dagaal toosa xaqoda ku raadsadaan .

 

3- 1981 Markii snm lagaga dhawaaqey London may haysanin cudud ciidan iyo garab milateri .

 

Eng G/asarre , Maxamed Xaashi Diiriye Lixle 1979 ilaa 82 , wuxuu ka shaqaynayay in uu ka dhaadhiciyo sarakiisha iyo saraakiil xigeenadda ku jirra ciidamadda in ay u dagaalamaan sidii ay usoo dhicin lahaayeen xuquuqda ka maqan dadka reer somaliland .

 

1982 , Ururkii ugu horeeyey aasaaskii snm oo ahaa guutadii 4aad ee maxamed cali , ninka talaabiyey ee ku qanciyey in ay snm ku biireen oo noqdaan unigii koobaad ee halganku waa Eng Maxamed xaashi lixle , Maxamd cali oo ahaa Taliyihii guutadda 4aad isagga ayaa kasoo daayey xadhig , kuna qanciyey arrintaa aadna ay isugu xidhnaayeen .

 

Eng Maxamed Xaashi markii uu qawadey hawl-galadii snm , 1-1-1983 wuxuu fuliyey hawl-galkii ugu horeeyey snm ee jebintii jeelka mandheera , kaasoo noqdey shamacii koobaad ee snm aduunyaddu ku baratay .

 

Eng Maxame xaashi , isago ah xoghayihii Difaaca ee snm wuxuu mar kale hindisey in uu isu geeyo cududii snm , ka dibna hawl-galo ka fuliyo wadanka gudihiisa , isagoo qorshahaa ku guda jirana wuu ku geeriyoodey .

 

Dhimashadii Lixle , waxay noqotey dhiirigelin iyo carin halgankii snm sii kordhisey , waxaaney sabab u noqotey in dad badan oo kale ku qancaan in sidda Lixle oo kale ay naftooda huraan , taasina waa sirta keentay in aanu halgankii snm bakhtiyin ee uu gaadho ujeedooyinkiisii , ilaa iyo haatana Lixle waa Astaanta geesinimadda iyo adkaysigga .

 

Lixle maanta maxaynu ku xusnaa .

 

1- In la sameeyo fagaaraha xoriyadda e Lixle .

 

2- In la sameeyo Akadamiga Istaraajiyadda iyo siyaasadda ee Lixle .

 

3- In la sameeyo biladdda abaal marinta lixle oo laggu abaal mariyo qof kasta oo sameeyo fal geesinimo oo wadaniyadeed .

 

4- In loogu maalinta shuhadada snm ee 17-october lagga dhigo maalinta xuska geesiyadda loona aqoonaddo fasax qaran


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...