Baarlamaan Khasaaray
2005-2020.
(The failed Somaliland's House of representatives and elders).
Qaybtii 2aad:
- Marka aynu soo fahamnay macnaha guud ee wakiil/wakiilo , shaqo
ahaana isku wada midyihiin , iyadoo umad waliba dhaqankeeda, diinteeda
iyo deegaankeeda ku salaynaysa shuruucdooda nololeed
/dowladeed/siyaasadeed , hadana Gole kasta oo wakiilo ah oo shaqadiisu
tahay taa hore aan usoo qeexnay , marka uu bilaabayo
shaqadiisa/shaqadooda , waxay ku bilaabaan /ku saleeyaan shaqadooda
hadba duruufta bulsho /siyaasadeed ee jirtaa . waxay ahmiyada siiyaan
dhamaan arimaha taabanaya bulshada nolosheeda , horumarkeeda ,
nabadgelyadeeda , wada jirkeeda iwm .iyagoo u samaynaaya jadwal leh
ahmiyado (priorities ). Macnaha kalfadhiyada iyo ajendayaashoodaba waxa
loo Kala horumarinayaa, hadba sida ay ugu Kala muhiimsanyihiin
bulshada.(1)
( 1)Tusaale sharciga ama ajendaha sida tooska ah u taabanaaya
howlmaalmeedka /nolosha dadweynaha iyo ka aan saamaynta ku lahayn
laakiin qaranku u baahanyahay waa laba shay oo ahmiyadoodu Kala duwan
tahay. Kaas nolosha taabanaaya ayaa kow u ah bulshada, golayaashana
looga baahanyahay inay kow ka dhigtaan, kuwa kale gadaal.
Iyadoo uu mowduucani yahay mowduuc dheer , si kooban hadaan u gudo
galo , baarlamaanka JSL waxa uu ka koobanyahay laba gole , oo kala ah:
* Aqalka Guurtida ( House of Elders ),
*Aqalka wakiilada (House of Representatives ).
Waa laba aqal oo soo jiray muddo dheer lana abuuray waqtigiii la
abuuraayey JSL , iyadoo la odhan karo waqtigaa way ka horeeyeen oo
waqtigii SNM ba way jireen ,hadana anigu waxaan ka soo qaadayaa waqtida
dowladnimada , waayo waa waqti somaliland isusoo dhamaatay .
Laga soo bilaabo aasaaskii somaliland, baarlamaanka soomaaliland
waxa uu soo maray waqtiyo kala duwan , duruufo kala duwan iyo siyaasado
kala duwan, oo kala gedisan .Marxalad walba oo la maraayeyna bulshadu
waxbaa muhiim u ahaa, oo mar walba baarllamaanka jira laga rajaynaayey.(
Tusaale , marbay colaada jireen oo dadkuba wax kaleba aanay cid ka
sugayne, kaliya sidee salka dhulka loo dhigaa xaalku ahaa ).
Si guud waxaan u soo qaadanayaa laba marxaladood kaliya :
Marxaladii dimiquraadiyada iyo hanaanka asxaabta badan , iyo
marxaladii axdiqarameedka iyo beelaha ku dhisnayd (Democrazation and
pre-democrasation period).
Marxaladahaas aan guudmaro, si aan meesha aan u socdo durduro ugu
gaadho, akhristahana aan u gaadhsiiyo, Sheekaduna is kugu xidhanto.
▶️Hanaankii Beelaha Qabilga aha, ( Pre-democrazation -Tribal and Reconciliation Period ),
▶️Waqtigii Dimiquraadiyada Somaliland (Somaliland Democrazation period ).
Laabadaas xili ee ay Somaliland soo martay , waxay ahaayeen waqtiyo
kala duwan , kala duruufo ah , waqtiba bulshada waxbaa u darnaa .
werwerka bulshada iyo fahamkeeduna marba meel ayuu taagnaa.
????Waqatigii Qabaliga ahaa /axdi qarameedka qabiilka ku dhisan iyo
dib-uheshiiaiinta (Tribal charter and Reconciliation Period ).
Waqtigaas waxa jiray baarlamaan , u badan umada waayeelkiidii , oo reer
waliba soo xushay waxgaradkiisii, talo qabeenkiisii , haday wakiilo
tahay iyo haday guurti tahayba .
Waqtigaas shacabka maxaa kow u ahaa (priorities ):
( Nabadgelyo , in la adkeeyo isfahamka bulshada, isdhexgalkooda ,
dowladnimada oo la wada aamino , bulshada oo ogolaata in sharcigu
shaqeeyo ,dadku inay dowladnimada iska wada dhex arkaan , bulshada in la
tuso dowladnimadu inay tahay maslaxada umada ,inay bulshadu fahamto
cashuurta iwm halkaasi ayaa bulshadu doonaysay inay xaqiijiso , guud
ahaan golayaal dowlad madax dhameed laysu kaashaday).
Arimahaas ayaa ahaa arimaha ugu waawayn, ee horyaalay haldoorkii
markaas safka hore ee bulshada joogay, siyaasiyiin, madaxdhaqameed,
ganacsato, guurti iyo baarlamaan iyo dowladba lahaa. Waana arimihii laf
shabarta u ahaa dadka iyo dalkaba.
Waxaan leeyahay markaas golayaashii ku dhisnaaa habka qabaliga ah ee
waqtigaas jiray kaalin muhiim ah ayay kasoo ciyaareeyeen dhamaan
duruufihii markaas jiray , waanay ka midho dhaliyeen guud ahaan (waqtiga
ha dheeraado), marxaladaas dadka way ka soo saareen , shaqadoodiina
waxay suuro galisay in somaliland maanta halkan timaado ay joogto,
Nabadgelyada leh , Wada-noolaanshaha , Ganacsiga , Dimiquraadiyad
leh(wallow ayna wali dhamaystirmin) iwm .
Sidi guud markaynu u qiimayno ,waxaynu odhan karnaa , way
guulaysteen golayaashaasi, (iyadoo ay jirto mar walba qaladaad bulsho oo
fara badan ,qabyaalad ,dowladxumo ) hadana maxsuulka guud marka laysku
geeyo waxaynu odhan karnaa , baarlamaanadii jiray waqtiyadii adkaa ee
Somaliland soo martay ( dagaaladii sokeeye iyo taabagalinta dowladnimo,
ee kow ay ka ahayd nabadgelyada ( in bulshada Somaliland wada noolaan
karto , jaar noqon karto , qoys waliba noloshiisa maaraysan karo), wuu
kasoo samatabixiyey bulshada reer Somaliland.
Marxaladaasi waxay kusoo afmeerantahay , in golayaashaasi
diyaariyeen , dhamaan waxyaabihii dowladnimadaa salka u ahaa , waxii
bulshada u darnaa waqtigaas , lagana sugaayey , (gaabis ha jiro ) ,
laaakiin waxay suuro gal noqday sidan hoose:
????Qaranka oo distoor yeeshay
????Qaranka oo passport yeeshay ,
????Qaranka oo nabadgelyo helay,
????bulshadii oo salka dhulka la heshay,
????Qaranka oo lacag yeeshay , waxay ka mid ahayn marxaladihii gabi dhaclaynta Somaliland ,
????Qaranka oo ciidan adag yeeshay,
????Ugu danbayn qarankii oo fahmay aragtida hanaanka xisbiyada badan ,
bulshadii oo ay u bilaabantahay , isdhexgaal bulsho , mid siyaasadeed
iyo mid gaanaacsiba.
Tareenkii bulshadu la socotay markuu halkaa isa soo taagay ee uu
kusoo xidhay halkaas , waxaa bilaamaysa mar-xalada labaad ee Somaliland
soo martay .(somaaliland’s Democrazation and Multi-party System Period).
_ Lasoco qaybta 3aad : waa qaynta ugu weyn aan ka faalo on doono
,marxaaladaas iyo bulshadu waxa kow ama laba (Priorities) bulshada u
ahaa , lagana sugaayey baarlamaanka 2005-2020. Halkaasaynu aad isu
dultaagi doonaa , marxaladahaasna waan is barbardhigi doonaa .
Abdirashid Hussein Yousuf
Gahaydhle @live.com
Doha ,Qatar
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...