Dhibkastood Falaysaan, Wuxunba La Dhawraa, Rag Waa Dhabar Adayga, Dhikila Layisma Jiidee.

0
Saturday October 17, 2020 - 08:48:25 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 108
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhibkastood Falaysaan, Wuxunba La Dhawraa, Rag Waa Dhabar Adayga, Dhikila Layisma Jiidee.

    Ismail Abdillahi Handuleh.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ismail Abdillahi Handuleh.

BISMILAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM[A.S.C.W.R.W.B]

TU KHAAS AHNA BAHDA H/W IYO AKHRISTAYAASHEEDA

 

1-DHAGAXAYNU TUURAA,MEEL DHAWBU KU DHACAYA,DHAWAAQA FOOGADO,

  DHULKA GAADHA MEEL DHEER,DHACDADI DHAWEYDE,KULMIYUN DHEXDISA,

 DHIBIC  NOQOTAY KULULO,DHEGTAAGEEN DADKEENI,DHINTAY GEEDIGEENII,

DHALIILIYO CABASHABA,DHAAFTAY TABASHADIYO,QARANKA DHANTAALEEN.

 

2-DHAQAN SIYAASADEED,SIDIISII WAX UMA DHICIN,DHANLAAXDAY ISQADEEN,

  DHIB DAR SHEEGANAYA,DHERIGIIBA JEBIYOO,DHANBALA KA KALA DHIGAY,

 DHABDHABKAY KU SOCOTE,DHAWACDO DHANBA DUDAY,DHANTASHO TEGAYE,

 DHINACAY BANEEYEEN,DHAXANBA KA IMANO,DHURWAAYADA KA SOO DHICI.

 

 3-DHAYAL HADALADIINI,DHAGAR BAY AHAAYEEN,SOO DHAWEYEY CADAWGII,

   DHABAY IDINKA MODEEN,DHAFORMORDIYAASHI,INA DHEGADHEGAYN JIRAY,

  DHIIRI BAYDIN GELISEEN,DHOOLA KA QOSOLKOODIYO.DHEESHIYO CIYAARAY,

DHARAARTII BILAABEEN,DHAANTAY TUNTAAN WELI,ILEEN WAY DHADHABAYAN.

   

4- DHIMASHAY U HAYSTAN,DHALISHIYO CANANTO.HADALKABA LAGUMA DHACO,

    DHIBKASTOD FALAYSAAN,WUXUNBA LA DHAWRAA,RAG WAA DHABAR ADAYGA,

  DHIKILAHA LA ISMA JIIDO,DHAMAC LAMA AFUUFEE,DHAQSOBA LOOMA BOODEE,

 DHIB HADDAAD TIRSANAYSEEN,DHERIGAYDUN JEBISEEN.DHALFIFA KA YEESHEN.

                          ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.
Lis Dairy
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...