Madaxweyne Farmaajo Muxuu Kaga Jawaabay Qorshaha Madaxweyne Trump Kula Baxayo Ciidanka Ka Jooga Soomaaliya

0
Saturday October 17, 2020 - 00:58:46 in News by
  • Visits: 1256
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo Muxuu Kaga Jawaabay Qorshaha Madaxweyne Trump Kula Baxayo Ciidanka Ka Jooga Soomaaliya

    Madaxweyne Farmaajo Muxuu Kaga Jawaabay Qorshaha Madaxweyne Trump Kula Baxayo Ciidanka Ka Jooga Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Farmaajo Muxuu Kaga Jawaabay Qorshaha Madaxweyne Trump Kula Baxayo Ciidanka Ka Jooga Soomaaliya


Muqdisho(HWN):-Madaxweynaha dawlada federaalka ah ee soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa ka jawaabay hadal ka soo yeedhay madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump oo sheegay inuu ciidamadiisa kala baxayo Soomaaliya.


madaxweyne Farmaajo ayaa bogaadiyey taageerada milatari ee Maraykanku siiyo dawladiisa isaga oo sheegay inay ka caawinayso la dagaalanka kooxaha nabada ka soo horjeeda ee ka dagaalama Soomaaliya.


Hadalkaan ayaa u muuqda mid madaxweyne Farmaajo uu kaga falcelinayo dareenka ku saabsan joogitaanka ciidamada Maraykanka ee Soomaaliya, kadib markii madaxweyne Trump uu sheegay in ciidamadiisa uu kala soo baxayo Soomaaliya.


"Taageerada milatari ee Mareykanku siiyo Soomaaliya waxay noo suurta gelisay inaan si hufan ula dagaallano Al-Shabab una sugno amniga Geeska Afrika. Guul laga gaaro safarkan iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka waxaa lagu gaari karaa oo keliya iskaashi joogto ah oo xagga amniga ah,” ayuu yidhi madaxweynaha Soomaaliya.


Madaxweyne Trump ayaa afar sano ka hor ololihiisii doorashada ku ballanqaaday inuu ciidamada Maraykanka dib ugusoo celinayo dalkooda, balse taasi ma dhicin, in lasii kordhiyo mooyee.

Warbixin: Safarrada Dibadda Ah Ee Madaxweyne Farmaajo…Maxaa laga faa'iday? – Goobjoog News
Loading...
Loading...