Maxay Ku Kala Duwan Yihiin Jaamacadaha Gaarka Loo Leeyahay Iyojaamacadaha Dawladu Maalgeliso
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Aqoontu waa ruuxiyaadka hogaamiya binu-adamka taas oo shaqsiga
horumarkiisa ku hagta kuna hanuunisa. Waxabarashadu waa xuquuq aas
aasiya waxaanay kobcisaa oo balaadhisaa caqliga iyo karaamada shaqsiga,
waxay qaabeysaa nolosha qofka, waxaana ay
u horseedaa
in qofku uu gaadho horumar iyo badhaadhe uu noloshiisa horumar ku maareeyo. Maanta Somaalilaan waxaa
baaba'ay noloshii macalinka maadaama uu musharkii macalinku uu
ka yaraaday mushaharka
shaqaalaha
nadaafada ka shaqeeya
taas oo macalinkii iyo maamulihiisiiba ku kaliftay in
ay
lacag aan loo meel deyeyn
ardeyda ka qaataan
si ay noloshooda ugu deberaan.
Sida Caalamka oo kale waxbarashada iyo Sabool nimada xidhiidh weyn
ayaa ka dhaxeeya.JSL hadii waxbarashada dhalinyarada dan yartu kor u
kacdo waxay noqon kartaa dariiq sahlan oo faqiirnimada lagaga bixi
karo.. Waxbarashadu waxay fure u tahay dhisme dhaqaale casri ah oo ku
saleysan aqoon cokan waana udub-dhexaadka horumarineed ee ummadded.
Haddii aan gacanta la wada gelin waxbarashada dawliga ah oo aan si
cadaalad ah loo wadaagin dalku wuxuu noqonayaa dabaqado kala sareeya oo
isku dulnool oo is dulmiya.
Somaalilaan Waxaa si hufan uga hawl gala
28 Jaamacadood , aqbaliyada Jaamacadaha Somaalilaan waa kuwo gaar loo leeyahay oo macaash-doon ah, Waxaana hada daaladhacaaya
3 Jaamacadood oo aan iyagu ku jirin
28-ka jaamacadood
laakiin liisankoodii haysta, Waxaana saqiiray oo Albaabada loo laabay
aftartii sanadood ee la soo dhaafay
4 Jaamacadood. Jaamacadaha dawliga ah oo gaadhaaya ila
7 Jaamacadood ayaan ilaa hada fiigooda iyo
hab-dhaqankoodu ka duwanayn Jaamacadaha macaash-doonka ah ee gaarka loo
leeyahay . Hadaba Wasaaradda Waxbarashada Soomalilaan waxaa looga
fadhiyaa in ay kala saarto Jaamacadaha dawladu maal geliso iyo
Jaamacadaha gaarka loo leeyahay sida ay u kala duwan yihiin dugsiyada
Dawliga ah iyo Dugsiyada gaarka loo leeyahay.
1- Jaamacadaha Dawliga ah ee Dawladu miisaaniyada buuran
siiso waxaa ka mid ah Jaamacada Hargeisa, Jaamacada Camuud, Jaamacada
Burco , Jaamacada Nugaal, Jaamacada Ceerigaabo iyo Jaamacada
Maakhir. Waxaa loo baahan yahay in Jaamacadaha Dawladu miisaaniyada
siisaa in ay fuliyaan qodobadan hoose :
- Waa in ardeyda danyarta ah ee waxbarashada Dugsiyada sare heerka sare ka galay ay siiyaan waxbarasho bilaash ah
- Gaar ahaan waa in Jaamacadaha Dawladu ay mudnaan gaar ah siiyaan
Ardeyda danyarta ah ee ay dhaleen Ciidamada qaranka iyo shaqaalaha
dawladu
- Fiiga Jaamacadaha dawladu waa in uu ka yaraadaa kana jabnaadaa
Fiiga Jaamacadaha gaarka loo leeyahay sida ay u kala duwan yihiin fiiga
dugsiyada dalku.
- Jaamacadaha dawladu waxay ku jiraan dhismeyaal bilaash ah oo
dawladu leedahay, kirona ma bixiyaan sidaa daraadeed waa in ay fiiga
ardeyda ka jebiyaan
- Jaamacadaha Dawlada Xukuumada ayaa siisa sanad walba miisaaniyada
lagu kabo markaa waa in ay fiiga ardeyda Ciidamadu dhaleen bilaash uga
dhigaan
- Jaamacadaha dawaladu waxay maydheen meeqaamkii qaranka
Somaalilaan, maadaama aanay cashuur buuran dawlada iyo bulshada toona ku
soo celin.
Gunaanad: Maanta Soomaalilaan waxaa loo baahan yahay:
1- In la sameeyo Nidaam iyo hab cusub (system dawladeed ) oo sife cadaalad ah bulshada ugu shaqeeya, waxna xakameeya .
2- Waana in la ansixiyaa xeerarka qabyada wada ah ee Siyaasadda Waxbarashada Qaranka Somaalilaan.
Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Taw fiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madaxbanaan
Intensive Advisor ED BD PA
United Kingdom
London
Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Taw
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madaxbanaan
Intensive Advisor ED BD PA
United Kingdom
London
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...