Muuse Biixi Libaax Somajeeste Qore Khadar Ibrahim

0
Friday October 16, 2020 - 11:04:11 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1041
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Libaax Somajeeste Qore Khadar Ibrahim

    Asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaato.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaato.

Maalin walba waxaan la yaaba dadkan ka dhex calaacalaya tv yada dalka muuse waa sidan ! dalka hala soo gaadho! Waa kaligii taliye! Bakh bakh iyo calyo ka qobanaysa ayaad dhex arkaysa dadkaas!.. 



Madaxweyne muuse biixi cabdi dhamaantood ilkaha ayuu ka wada saaray gudoomiyaashi waddani ucid, siyaasiyiin, odayaal dhaqan isku sheeg, ganacsato, dhamaantood ilkihii ayuu kawada saaray marka aad daawanaysid waxay ku hadlayaan maba fahmaysid baa!! Waayo bela ilko!...


Xiniyaha iyo maskaxda muuse biixi aya gabigood wada rogtay hunguralyaasha raba dalkan in ay jar ka tuuraan bal eeg CIIRO, FAYSAAL, BUURMADOW ,MAXMUUD XAASHI , AADAN SIIRO JAAMAC SHABEEL iyo qaar kale!!.


Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu caan ku yahay jecelka uu u qabo somaliland iyo qadiyaddiida wuxuuna caan ku yahey inuu yahey nin aan gaban oo runta aan ka leex leexan, waa siyaasi somalilnad usoo hurey naftiisa iyo maalkiisa taasna waxaad ka arkaysa hadaladiisa mar walbana ,waana siyaasi lagu aaminay kursiga dalka .


waxaan kusoo koobayaa maanta bulshada reer somalilnad ha gartaan geesiyaashooda mar walba qadiyaadooda ku maqan ,waxaana jira rag ay somalilnad dhiigooda ku talaalantey ee geesiyaasha oo ay ka mid yihiin madaxweynaha somaliland ahna gudoomiyaha xisbiga kulmiye mudane muuse biixi cabdi.midhna waxaan leeyahay kuwa bela ilkaha ah adeer haku raagenina muuse biixi aakhirka dhakhtarka waalida ayaa ku wada dambeyni doontaan hadaa aduunka ka fadhiisan weydaan!!!.


Qore Khadar Ibrahim Cabdi Mataana


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...