Markay Kadantay Bay Alle Taqaanaa ( Abdi-Shotaly).

0
Friday October 16, 2020 - 11:01:57 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1204
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Markay Kadantay Bay Alle Taqaanaa ( Abdi-Shotaly).

    * N.B Nbsaa Ku Haya Hagar-daamo Gacal Hadima-diisiiye!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

* N.B Nbsaa Ku Haya Hagar-daamo Gacal Hadima-diisiiye!

Somalidu waxay leedahay murti aad u fara badan, oo wax yaabo kala duwan loo daliilsan karo, kuna fadhiya micna-yaal iyo xikmado aad u qiimo weyn, waxa ka mid ah " Booraan hadimo ha qodin, hadaad qodana ha dheerayn, ku dhici doon-taana mooyaane" Oo loo micna-heedu yahay, qofka bani'aadamka u taliya hadimo, aanu ka galabsan, dhibaatadda uu geliyey waxay u soo gaatan-taba, aakhirka xumaantii uu ka taliyey, buu nabsi cagaha u geliyaa iyo qabtii uu dhigay. Waa sidda imika haysta Kuwii ummadda baaxad-sooraha iyo balan-balka ku dhex tuuray, ee godobta, is-naca, eexdda, qabyaaladda intay dhex dhigeen, weliba nin aanay isku hubin, oo aanay aqoonin u garab gorayeeyey, qaar aan wax denbi ah ka gelin. Ina Dhimbiil, Muamuud Xaashi iyo Qabyo-tire, Jaamac shabeel iyo qaar kaloo badan, oo ay ka mid yihiin Saylici, Cali Mareexaan, ina Cabdi dheere ( Lama soo koobi karo'e), Waxay ahaayeen, kuwii foodka u boobay labadda askari " Ragii ma adigaa ka hadhay iyo geenyo shaaximan" Waa la ogaa wixii ay samayna-yeen doorashaddii iyo dunuubtay ku talaab-sadeen. Marna isma ay odhan, halkana sooma ay dhigan, ta maanta ay ku jiraan baa idinku dhici doonta, waase nin liita iyo caadaddii, ee yaa yidhaaha u adkaysta waxa aay hesheen abaal-kiine. Weli rag bay u hadhay taasi ku sii jira, oo wax isi haysta weyn, waxa ka mid ah " Ina Cabdi-Dheere iyo qaar kaloo weli ku sii jira qudhmiye" Waxan-se leeyahay inta goori-goor tahay ee aan la idin gawracin, u tashadda siddii dacawaddii tidhi " Isha Cumar ka laalaadda baan ku quus qaatay"Qayr-kiin halkuu maray waad arkay-saane.



Somali waxa la yidhi been way sheegtaa, laakiin-se been ma maah-maah-do, Horaa loo yidhi oo ay murtiyi u ahayd " Halkaad nin ka qaadato, ogaw nin kale baad kaga tag-taaye" Waa cayn-kaas oo waa dhabe, ragga sare ku qorani, Maskii ay dhabarka ku qaateen, ee ay xaq daradda ku qariyeen, baa hadeer qaniinay, oo waa dhaawac socod bilaa dawo ah. Xaaraantii lagu heshiiyey, boobkii lagu kacay, ee sidda cad loogu laba-diblaystay baa ka daba yimi, imika bay giriyaad dhex-diisa cabaad ka wadheen, oo ay siddii wadaadkii Ina Cabdalle xasan leeyihiin " Halkaan daarood ka raacnaa" Taasi waxay ku dhacdaa nimaan aduunkan iyo xaal-kiis ka war qabin, wayao'aragna aan ahayn, ee uu hungri iyo saalax-wareer madaxnimo qaado, dabeed ay jar ka tuurto, sidda Ina Xaashi iyo Qabyo-tire, Ina Dhimbiil, oo markii lagu danaystay, meeshii la rabay lagu gaadhay, laga dhamastay, siddii guuf timiri ka dhamaatay ama harag qudhmay debedda haadda loogu tuuray banaanka. Waxan leeyahay Muxamuud Xaashi iyo qabyo tire, Ina dhamibiil, Idinku hadda ursadda qudhmuunka taladdii aad ugu adeegay-seen Askariga jiho wareersan. waa idinkaa haad iyo habaqle-ba ugu jabaye, Maxay idiin tari baroorta iyo ka daba oygay aad weli sii yu'anay-saan, ee ah baryo xumaanta, aad kolba geed isku toosinay-saan, waa idinkaa si xun u go'aye, Waxan gaar u leeyahay nimankan sare ku qoran, Xikmad carbeed baa waxay ka tujuntaa, qof abaal u galay ruux kale, oo halkuu ka sugaayey abaal-celin, uu isagii ( waa kii abaalka u galaye) uu birta ka aslay, isaga oo ka ducaysa-naaya in uu kaa uu balaalka u galay uu rabbi shar-kiisa ka magan geliyo, baa waxay tidhaah-daa " Yaa Rabbi inii u-cawadak min shari aladdii u ciinahu" oo micna-heedu yahay " Ilaahaw iga nabad geli mid aan u sama falay sharkiisa" Ta maanta haysata  Ragan waraaqaaya baa ah sidaas.


Illaah ha u naxariisto'e Salaan Carrabay, baa wuxu ku yidhi tixddii Haadaaqsi gabay, isaga oo u jawaabaaya Cali Dhuux (Ihun) " Nabsaa ku haya, hagar-daamo gacal, hadima-diisiiye" Waxan leeyahay odayadda cabaadaaya ee Mr Dhimbiil, Qabyo-tire iyo Maxamuud Xaashi, wixii aad geysteen baa boqnaha idin jaraye yey idin-la xumaan, Nabsigu waa daruuraha cirka iyo sidda dabay-shaase, Wax-ba ha is diid-siinina waxad goosa-teen midhihii  aad beera-teene. Horaa loo yidhi " Markay kadan tahay bay Alle taqaanaaye" Imika bay ku waalatay Axaadiis, Quraan iyo Madax-weyne dalka Induniisiya uu lahaan jirey baa waxaas yidhi. su'aashuw axa weeye, Quraanka iyo Axaadiista diinga ah, hore maw yaqaanay Ina Xaashi mase akhriyi jirey? Ma imika bay barteen intii uu askarigu laadka kaga saaray " Xaafad-tooyadda? Ma waxyi baa ku soo degay ? Maxaa akhristaw is ka bedelay xaalkii hore iyo wixii lagu heshiiska ahaa? Waa kuwan intii beenta, tuugadda, boobka, awoodda dawladdda u adeegsan jirey, maamulkii ummadu u dhiibtay ee ay hadeer is cunayaane? Waxan ku soo xidhay maqaalkan. Ninkii abeeaddda godka ku masruufi jirey, ee ay maalintii dambe isaggii isku hor taagtay markuu is yidhi ka baxa ee ay halkii ku cuntay. kuwana way u dhamaatay ee ha joojiyeen waraaqa af ay ku hadlaa uma hadhine, ee talaa la gudboon iyo in ay ka dal doorsa-daan.


* N.B  Nbsaa Ku Haya Hagar-daamo Gacal Hadima-diisiiye!
Qore:- Abdi-Shotaly.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...