Doorashadu Waxay U Dabrantahay Madaxweyne Muuse Biixi.

0
Tuesday April 23, 2019 - 16:50:30 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1050
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Doorashadu Waxay U Dabrantahay Madaxweyne Muuse Biixi.

    Go'aamada ay gaadheen Maanta Xisbiyada Kulmiye Iyo Ucid waa kuwo Riyo ah oo aan Cago adag ku taagnayn ama aan soconayn,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Go'aamada ay gaadheen Maanta Xisbiyada Kulmiye Iyo Ucid waa kuwo Riyo ah oo aan Cago adag ku taagnayn ama aan soconayn, maaha markii koowaad ee ay qaadaan Talaabo noocan ah Kulmiye iyo Ucid waanay ku fashilmeen in ay hirgaliyaan go'aamadii ay gaadheen, tanina kama foga tii hore oo kale waana Xisbiyo Seexday iyagoo Soo jeeda mana aha qodobadan ay gaadheen kuwa Saxdaa ee hortaagan Doorashada Baarlamanka.



Dhamaan Bulsho weynta Reer Somaliland Dhacab iyo Asxaaba ma jirto cid aan Doorasho Doonayn marka laga Reebo Kulmiye iyo Xukuumadiisa uu gadhwadeenka u yahay Madaxweyne Muuse biixi abdi.


haddii aynu eegno Arimaha hortaagan Doorashada Goolaha wakiilada dhamaantood waa kuwo ku xidhan xukuumada Awoodoodana ay leedahay Xukuumadu, haba yaraatee waxa ay ka qabatayna ma jiraan Sir iyo Caadba sidaa darteed waxa marag u yihiin qodobada halkan hoose ku qoran.


1 ilaa hadda Xukuumadu ma samayn Saami qaybsigii gobolada Dalka ee kuraasta goolaha wakiilada.


2 ilaa hadda Xukuumadu ma Diyaarin mana samayn Tiro koob Rasmi oo lagu sameeyo Gobolada iyo Degmooyinka Dalka si loo helo tirada saxda ah ee Dad ahaan ku nool Somalinad si loogu sar gooyo Sami qaybsiga kuraasta goolah wakiilada.


3 Xukuumada iyo Goolaha Wakiiladu wali ma diyaarin xeerkii kala xadaynta gobolada iyo degmooyinka si loo helo degmo doorasho sax ah.


4 Degmada Buuhoodle oo ilaahada aan ku jirin Gacanta Dawlada Somaliland habayartee ina aanay ka qabsoomayn waxa doorasho ahi iyo dhamaan Bulshada ku nool gobolada Sool, Sanaag bari oo aanay meelo badan oo ka mida aanay Doorasho ka dhicin, sidii loo gaadhsiin lahaa.


5 Xeerkii Caasimada oo aan si Rasmiya loo soo saarin loona dhaqan galin.

dhamaan Qodobadaasi waa kuwa ay U Dabrantahay in Dalka ka qabsoonto Doorasho Barlamaan waana sababta ay ugu guuldaraysteen xuukuumadahii kala dambeeyay ee Kulmiye in ay qabtaan Doorasho Baarlamaan haddii ay tahay Xukuumadii Siilaanyo iyo Tan hadda ee Muuse Biixi.


Haddii Madaxweyne Muuse Biixi uu si xilkasnimo ah u gudanaayo Waajibaadkiisa Shaqo ee hortaala waxa mihiima ugu horayn in uu si dhaba u fuliyo qodobadan sare ku xusan waxaana ay u noqon doontaa mahadho iyo Sooyaal Dahaba oo ugu Sugnaata Hoggaamitiisa se uma muuqato marka aynu eegno sida wax u socdaan waxaana Madaxweynuhu u muuqaal eegyahay mid ilaabay talaabooyinka horyaala oo la xifiltamaaya Xisbiga Waddani.


Haddii aynu eegno Arimaha hadda laysu hayaa waa kuwo Farsamo oo si fudud loo dhamayn karo kuwaasi oo ah in aan Xisbiga Waddani Kalsooni dhexdhaxaadnimo ku qabin Komishanka Daarashooyinka ee hada jooga sidaadarteed maaha qodobkan ta ay Doorashadu u Dabrantahay ee Madaxweynuhu wuxuu ka dhigtay Fool qabsi.


Nuuradiin

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...