Xukuumada Addis Ababa Oo War Ka Soo Saartay Qorshe Lala Maaganaa Diyaarada Itoobiyan Airline

0
Thursday October 15, 2020 - 13:39:33 in News by
  • Visits: 2399
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Addis Ababa Oo War Ka Soo Saartay Qorshe Lala Maaganaa Diyaarada Itoobiyan Airline

    Xukuumada Addis Ababa Oo War Ka Soo Saartay Qorshe Lala Maaganaa Diyaarada Itoobiyan Airline

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada Addis Ababa Oo War Ka Soo Saartay Qorshe Lala Maaganaa Diyaarada Itoobiyan Airline


Hargeysa(HWN):-Dowladda Ethiopia ayaa ku dhawaaqday maanta inay joojisay in shirkadda Diyaaradaha ee Ethiopian laga madaxbanaaneeyo dawladda, taas oo ah shirkada ugu balaadhan qaarada.




Dawlada Ethiopia ayaa laba sano ka hor ku dhawaaqday in ay si buuxda ama qayb ahaan ay madaxbanaanaynayso laba shirkadood oo qaranka Ethiopia leedahay oo ay ku jiraan shirkadaha Ethiopia Telecom iyo Ethiopian Airlines.


Wasiirka Maaliyada Ethiopia Axmed Shide ayaa shir jaraa’id oo uu wariyeyaasha u qabtay maanta waxa uu ku sheegay in si fiican ay u socoto in shirkadda Isgaadhsiinta ee Ethiopian Telecom in dawlada laga madaxbanaaneeyo, isla markaana saddexda bilood ee soo socda ay noqon doonto shirkadd dawlada ka madaxbanaan (privatized).


Hase yeeshee Wasiirka Maaliyada Ethiopia waxa uu intaasi ku daray in dawladdu ay joojisay qorshe shirkadda Ethiopian Airlines dawladda lagaga madax-banaanaynayey si ay ula tartanto suuqyada caalamka, inkasta oo cudurka COVID-19 uu si khatar ah u saameeyey dhaqaalihii aduunka.

Inkastoo cudurkaasi faafay ayaa waxa uu wasiirku sheegay in Ethiopian Airlines ay soo saartay dakhli sanadkii miisaaniyada Ethiopia ku kordhiyey 122.14 billion Birr oo u dhiganta (3.3 billion USD at current exchange rate) intii lagu gudo jiray miisaaniyadii Ethiopia ee July 7, 2020.

Loading...
Loading...