Wadooyinka Muqdisho oo Saakay Xiran

0
Thursday October 15, 2020 - 10:48:03 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1351
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wadooyinka Muqdisho oo Saakay Xiran

    Wararka aan helayno ayaa sheegay in sababta loo xiray waddooyinka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka aan helayno ayaa sheegay in sababta loo xiray waddooyinka




Waxaa saaka xiran qaar ka mid ah waddooyinka Magaaalada muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, waxaana wadooyinka Xiray sida la sheegayo Ciidanka koofiyad Casta loo yaqaanno ee Madaxtooyada.

 

Shacabka Muqdisho ayaa saaka ku waabaristay qaar ka mid ah waddooyinka Caasimadda oo xiran, waxana la xiray wadada Maka Al-mukarama iyo wadooyin kale, dadka shacabka ah iyo gaadiidka dad weynaha ayaa laga celinayaa in ay maraan waddada oo ah mid Ciidan farabadan lasoo dhoobay.

Wararka aan helayno ayaa sheegay in sababta loo xiray waddooyinka ay tahay in la furi doono Wasaaradda Waraabka oo horay dib u dhis iyo dayactir lagu sameeyay, inkastoo saraakiisha Ciidanka aysan bulshada la wadaagin sababta ay u xireen Waddada muhiimka u ah bulshada.

 

Intabadan Shacabka Muqdisho ayaa ah kuwo la qabsaday waddooyinka sida soo boodada ah loo xiro, waxaana mar waliba dhacda in si kadis ah loo xiro wadooyin muhiim u ahaa isku socodka dadweynaah.


Loading...
Loading...