Hadalkii Xubnaha KULMIYE Shacabku Waxay Ka Sugayaan Jawaab.
Shirkii jaraa'id ee
shalay ay qabteen 3dii siyaasi we KULMIYE ka tirsanaa wuxuu ahaa kii ugu adkaa
ee indhawayd lagu dhaliilo xukuumadda, gaar ahaan madaxweynaha.
Eedihii cuslaa ee ka soo burqanaayay raggaasi, gaar ahaan wasiirkii madaxtooyada ee xukuumaaddii xilka ku wareejisay waxay ahaayeen kuwo sii naaxinaaya xanta dadka aan ladhacsanayn hogaaminta madaxweynaha ay fidiyaan.
Dhanka kale hadalkani wuxuu noqonayaa mid ku riixa in dad badan oo ay ka dagi la'ayd ay ku liqaan.
Wasiir hore Maxamuud
Xaashi waxa uu soo ururiyay mashaariic badan oo u muuday marka hadalkiisa la
eego inuu xog-ogaal la yahay dhamaantoodna uu ka dhigay kuwo lagu fashilmay.
Sidoo kale waxa hadal
Maxamuud ku jiray qaybo uu aad ugu talax tagay habdhaqanka madaxweynaha dalka
oo isugu jiray kuwo ku salaysan dabeecada Mudane Muuse Biixi iyo himiladaasi u gaarka ah sida maal urursiga oo kale.
Sida la ogyahay waxa
bini'aadamku ku nool yahay waa sumcada uu qofku lee yahay, waxana kaba sii xag
jira tan hogaamiyayaasha, sidaa daraadeed waxaan shaqsiyan qabaa in ay maanta
Madaxweyne Muuse Biixi u taalo inuu si toosa shacabkiisa uga jaahil saaro
dhaliilahaa dhumucda leh ee ka yimid siyaasiyiinta weli ka tirsan xisbigiisa ee
daararada ka soo shiidaaya ama ugu yaraan uu ka fogeeyo qof ka tirsan
xafiiskiisa oo ku hadli kara afkiisa.
Si kastaba xaalku ha noqdee waxa aamusnaanta madaxtooyadu u ekaan doontaa aragtidayda gaaban in aanay hayn wax ay kaga jawaabaan arrinkaasi.
Waxaa facebokiisa ku qoray :- Mustafe Cabdi Ciise " Shiine "
Gudoomiye hore
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!