'' Anigu Ninkan Baan La Haystaa ''.

0
Thursday October 15, 2020 - 10:38:51 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 991
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    '' Anigu Ninkan Baan La Haystaa ''.

    W/Q: Ahmed Nour Guruje

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ahmed Nour Guruje

Daraasad ay maanta soo bandhigtey xarun cilmi baadhiseed oo ku taala magaaladda London oo la yidhaahdo Intertional  interest London-based Think tank , ayaa shaacisey in sahan lagga qaadey 13 wadan oo carbeed ay dadkii la waraystay 58 % sheegeen in ay la dhacsan yihiin Madaxwayne Ordagan iyo siyaasadiisa bariga dhexe.



13 kan wadan oo ay ku jiraan wadamadda khaliijka iyo Masar ayaa dadka oo la waydiiyey siyaasadaha ay raacsan yihiin ee bariga dhexe waxey 58 % u codeeyeen Turkigga , halka Wadamadda Jarmalka iyo Shiinuhuna noqdeen kuwa kusoo xigga , halka dhibcaha ugu hoseeya uu ka heley Maraykanka oo dadku ku nacey siyaasadiisa la xidhiidha nabadaynta bariga dhexe .


Dr Samir Hamdi oo ah madaxa xaruntan ayaa sheegey in taageeraddadadwaynaha carbeed u hayaan Madaxwayne Ordagan  ay isa soo tarayso  in ka badan inta ay taagersan yihiin Turkigga , iyadoo Turkiga Ordan ka hor aan lagga jeclayn caalamka carabta hadeerna ay xoogaysanayso taageeradda Ordagan ku yeelanayo dunidda carabta , taasoo dadwaynaha carbeed u arkaan in ordagan yahay hogaamiyaha Turkiga cusub oo door muuqda ku yeeshey Bariga dhexe .


Si kastaba ha ahaatee , anigu hogaamiyeyaashaa caalamka iyo falanqeeyayaasha ku foogan siyaasadda iyo waayaha Aduunka ayaan la haystaa , jaafaajiriqii soomalida waan ka ilbaxey .

 

W/Q: Ahmed Nour Guruje

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...