Fasaxyada Ku Jira Kalandarka Ee Laf-jabka Ku Ah Waxbarashadda Dalka

0
Thursday October 15, 2020 - 10:30:12 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 924
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fasaxyada Ku Jira Kalandarka Ee Laf-jabka Ku Ah Waxbarashadda Dalka

    W/Q: Cali Cabdi Coomay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Cali Cabdi Coomay

Nin yuhuudi ah ayaa Muslimiinta dhaliilayey markaasuu yidhi” dadka Muslimiinta ahi waxba ma akhriyaan, haddii ay akhriyaana ma fahmaan, haddii ay fahmaana macnaha ma gartaan”. Buugga Miyi ilaa Madaxtooyo, Xirsi Cali. Sida ku xusan fasaxyada ku qoran Kalandarka uu sannad kasta soo saaro Baanka dhexe ee Soomaalilaan, waxa ku jiray fasaxyo heer qaran ah iyo kuwa ay dugsiyada qaarkood iskood isku fasaxaan, kuwaasi oo dhammaantood xagal-daacinaaya saacadaha waxbarashadda ubadka dalka u soo kacayaa ee mustaqbalka dalku yeelan doono.  Haddii aynu ka qiyaas qaadano sannadkan aynu ku jirno ee 2020, guud ahaan waxa sannadkii ku jira 11 cisho oo fasaxyo qaran ah iyo 105 cisho oo isugu jira khamiiso iyo jicmayaal oo fasax ah iyo 13 cisho oo fasaxood ay go’aansadaan dugsiyada qaarkood. Marka la isku geeyo waxa ay dhan yihiin 129 cisho oo fasax ah, oo ka maqan waxbarashadda dalka. Haddaba si aad u fahantid tirooyinka badan ee aan gadhka idiin geliyey, bal dhugo:



Fasaxyada Qaranka Ee Kalandar 2020

1-kii bishii Jeenaweri waa sannadkii cusubaa, 1 May maalinta shaqaalaha, 18-19 May maalimaha Qaranka, saddex cisho oo ciidul Fidri ah 24 may ilaa 26 may, 31 Juulay ilaa 2 Ogos oo ciidul Adxa ah, 20 Ogos waa sannadkii cusubaa ee Islaamka.


Fasaxyada Ay Dugsiyada Qaarkood go’aankeeda Leeyihiin.

Maalinta 9-ka Carafa ee soonka ah, 29-30 Ogost waa cashuura oo maaliimo soon waxa la fasaxaa madarasadaha. 10 cisho ee Rabadaanta ugu dambeeya ayaa dugsiyada in ka mid ah la fasaxaa.

 

 

Khamiisaha iyo Jimcayaasha Kalandar 2020.

Bisha koowaad waxa ku jira 10 cisho oo khamiis iyo jimce ah, bisha labaad waxa ku jira 8 cisho oo khamiis iyo jimce ah. Bisha saddexaad waxa ku jira 8 cisho, bisha afraad waxa ku jira 9 cisho. Bisha shanaad waxa ku jira 9 cisho, bisha lixaad waxa ku jira 8 cisho. Bisha toddobaad waxa ku jira 10 cisho. Bisha sideedaad waxa ku jira 8 cisho. Bisha sagaalaad waxa ku jira 8 cisho. Bisha tobnaad waxa ku jira 10 cisho. Bisha kow iyo tobnaad waxa ku jira 8 cisho, bisha laba iyo tobnaad waxa ku jira 9 cisho.


129 cisho oo fasax ahi waxa ay ka maqan tahay ardayga mustaqbalkiisa, waxaana fiican dib ay wasaaradda waxbarashaddu u eegto dhammaan fasaxyadan adhaxda jabinaya saacadaha ardaydu wax baran lahaa. Waxaanu shaki ku jirin in dugsiyada dawliga ah la dhigto khamiisaha, hasayeeshee wax naf leh oo la tilmaami karo maaha, waayo saddex xiisadood ama ka yar ayaa loo dhigaa oo markaba waa la sii daayaa.


Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

 Hargaysa, Soomaalilaan

 [email protected]

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...