Khudbadaha Sh. Maxamuud Xaashi Iyo Qabya Tire Reer Somaliland Makhuseeyaan Kulmiye Ayey U Khubadaynaan.
M BASHE
Labada khudbadood ee ay kala jeediyeen Sh. Maxamuud Xaashi iyo
Qabyo-tire waa khudbadahoodii ay shirkii ka akhriyayaan iyagoo ah
maqnayaasha joogayaasha Shirkii Kulmiye. Qofka binu Aadmiga ahina inuu
hadlaa waa wax uu dareemayo inuu sii daayaa waa wax uu xaq u leeyahay
haddii kale dee wuu qarxayaa. Sidaan qabo Musena u jawaabo maayo oo
isagu wuxuu hoos u odhanayaa DAMEER AAN KU JOOGO ...... MAXAY IGA
QAADAYSAA Laakiin waxaa (interesting) ah bulshada reer SOMALILAND ee
Kulmiye aan ahayn dhawaaqyadan Kaadiririinta reer Kulmiye mid hore iyo
mid dambeba siday u arkaan iyo dareenkooda.
DAREENKA bulahada reer SOMALILAND ee hoos joogtay sideedii sano EE
Xukuumaddii SIILAANYO ka xannuunsaday ee og wax qabad in uu ahaa iyo wax
biis ama wax boob intuu legaa ninkastaa wuxuu leexsaday oo ciddii wax
uu siiyeyna oo dhan ummaddu ay ahaayeen waa UMMADDA saboola oo
masalahaa yar ku wada fadhida oon waxba u kala qarsoonayn Quraan iyo
Quraan wax waliba waa DAAHIR YAA SHAMIS.
Khubadaa Sheekh Maxamuud Xaashi iyo Qabyo Tire waxay ku fiicnaan
lahaayeen iyagoon jeedin khubado ku waajahan reer Kulmiye ee ay Soo
diyaar garaystaan khubado ummaddoo dhan la hadlayaa reer SOMALILAND oo
dhan oo si runa uga sheekaynaya waxay qabteen ee UMMADDA u qabteen
waxay qabteen EE ay reerahooda oo qudha u qabteen markay madaxda
ahaayeen oo runna la sheega wax kasta. WAXAY BAYDHSADEEN SHEEGA WAABA
LA OGYEE. Runtii a way waxaan lahayd iyagoo qirta waxay xumeeyeen oo la
wada ogyahay (facts iyo figures) kiina la wada hayo lana ogyey waxay
ahayd SiDII MUDANE WASIIR ABGAAL AY YIDHAAHDAAN WAAR MARKAANU WASIIRADA
AHAYN WAXBAA NAGU BAYDHAY AAD OGTIINE NA SAAMAXA.
Inay Muse Biixi dabeecadihiisa iyo AWTAADIHIISA UMMADDA uga
sheekeeyaan Maaha 3da million ee SOMALILAND qof WALBA dabeecad buu
leeyahay dabeecaddu UMMADDA ma khusayso waxaa khuseeya xilkii iyo
maamulkii ,Distoorkii,Adduunkii ummaddu wada lahayd sidaa tidhaahdeen.
Muse Biixi mikifoonka ha inooga xisaabinina tiiniiba isagu Mikirifoonka
kamuu xisaabine.
Markaa isku noqda waxaa qabateen iyo sidaa Muse Kursiga ku saarteen ka
sheekeeya ama iska aamusa oo siyaasadda meel kale ka baadhbaadha aan
Muse BIIXI waxan buu sameeyey ahayn waayo idinkaa Keenay.
Imikiyo haatanna is caddeeyaa Ma Kulmiye ayaa tihiin ma garabbaa
tihiin mise waa kabaxdeen Muse Biixina iskaga hadha ilayn idinkaa
kursiga Saaraye.
WAAR BAL NASLADDAN IYO DALCADDAN IYO LAMA ARAGTAN KAALAYA.
M BASHE
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...