Maxamuud Xaashi Iyo Qabo Oo Eedo Musuq Maasuq U Jeediyey Muuse Biixi

0
Thursday October 15, 2020 - 09:43:56 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1764
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxamuud Xaashi Iyo Qabo Oo Eedo Musuq Maasuq U Jeediyey Muuse Biixi

    "Haka Fekerin In Aad Qoyskaaga Qani Ka Dhigto Ee Ka Feker In Aad Qarankaaga Qani Ka Dhigto"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Haka Fekerin In Aad Qoyskaaga Qani Ka Dhigto Ee Ka Feker In Aad Qarankaaga Qani Ka Dhigto"

Hargeysa, (HWN)- Siyaasiyiinta Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Maxamed Aadan Qabo ayaa si ba’an Madaxweyne Muuse Biixi waxa ay ugu eedeeyeen arrimo badan oo la xidhiidha Musuqmaasuq iyo in uu ku jiro xaalad hanti urursi ah iyaga oo tusaaleyaal badan u soo qaatay arrimo badan oo la sheegay in muddooyinkii dambe Madaxweynaha lagu eedaynayay.



 

Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi waxa uu Madaxweynaha Somaliland ku eedeeyey in uu qoyskiisa qani ka dhigayo halkii buu yidhi looga baahnaa in uu qaranka qani ka dhigo isaga oo u soo qaatay tusaaleyaal badan oo la xidhiidha xaaladda da’da ah ee uu ku sugan yahay Madaxweynuhu iyo buu yidhi sida uu ugu foogan yahay adduun urursi.

 

Mar uu siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Somaliland shalay ka hadlayay shir jaraa’id oo ay si wada jir ah ugu qabteen isaga iyo Qabo Magaalada Hargeysa waxa uu yidhi: "Madaxweyne maanta waxaad tahay 70 jir waxa aad ku jirtaa Alle galladdii inta farakutiriska ah ee ka gudubtay dhawr iyo Toddobaatan. Maanta waxa aad tahay cadceed casar joogta cimri iyo caqli kuu dhimani ma jiro mansab kuu hadhayna ma jiro oo aad higsanaysaa oo Madaxweynihii qaranka ayaad tahay waxa aad maanta garan waydo garan maayo goorta aad garan doonto ama gaadhi doonto. Muusow, yay kaa noqon muddo xileedka koowaad iska caddacaddayso cid walbana iska celi ka dambe ayaad caadi noqon doontaa. Waa ayaan darro iyo aakhiro xumo in maanta adiga oo aakhirul cimri ah lagugu tuhmo adduun urursi iyo dhul boob. Haka fekerin in aad qoyskaaga qani ka dhinto ee ka feker in aad qarankaaga qani ka dhigto. Muusow, maxaynu maanta ku odhan kuwii codkooda inna amaahiyay ee qarqarrada inna haysta maxaynu isku furan karnaa. Saddexdii sano ee aad xilka haysay maxaan umadda u sheegnaa”.

 

Dhinaca kale Siyaasi Maxamed Aadan Qabo, wasiirkii hore ee Wasaaradda Qorshaynta Somaliland ayaa Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu ku eedeeyey Arrimo badan oo musuq ah sida shidaalka waddanka ee gaar ahaan shirkadda heshiiska xukuumaddu kula gashay shidaal keenista ee Travigura waxaanu yidhi: "Shidaalkeena waxa keeni jiray ganacsatada muwaadiniinta ah ee dalka ka shaqaysata. Intii uu Madaxweyne Muuse joogay waxa xeerka laga ansixiyay in ay sii hayaan shidaalka oo Baarlamanka la mariyay. Muddo yar kadib Madaxweyne Muuse isaga oo aan xeerinayn xeerkii iyo wixii baarlamanka soo maray ee sharciga ahaa ayuu si toos ah uga leexiyay oo diiday. Sharci ahaan maanta waxa ay ahayd in ay xukumaan dadkii ganacsatada ahaa ee xeerku u banneeyey dadaasi ayaa xaq u leh laakiin si xukun qarqoosh ah ayuu Madaxweynuhu u maroorsaday gacanta. Sidaasi ayaanay ku jiraan haamihii.

 

Waxaad ka war haysaan diyaaradihii Fly Dubai iyo Al Arabia. Waxa ay ahaayeen laba diyaaradood oo adduunka innagu xidhay waxa ay ahaayeen kuwo sharaf iyo sumcad innoo soo jiiday. Waxa innooga soo xeroon jiray lacag badan oo cashuur ah waxa lagu haystaa waa wax aad u yar oo misqaala darrati ah. Waxa maalin dhawayd shir jaraa’id qabtay 42 xafiis oo travel Agency ah oo diyaaradahaasi la shaqayn jiray oo dhammaantood kacay oo ay lahaayeen muwaadiniin Somaliland ahi. Ka ugu yar waxa ka shaqayn jiray shan qof. Halkii ay ka ahayd in ay shaqo abuur samayso xukuumadda KULMIYE ayay intaasi oo qoys shaqo la’aan ku soo dhaceen. Madaxweyne umadda oo dhan ugu sarreeya oo haddana qamuunyoonaya oo cadhaysan waa taariikhda markii inoogu horraysay. Maxamuud xaashi baa maalin kali ah shir jaraa’id qabtay oo hadlay. Maalintii xigtay baa askarigii ilaalada u ahaa madaxtooyada looga yeedhay. Waxaan idiin sheegayaa ciilqabnimada. "adyad la isku dilo iyo aanada nin beeroo ibtilada aloosoo ololeeya baad tahay. Waxaad tahay abeesadii abriska iyo isxambaarka dhuuntaa amakaag la soo baxay. Oon iyo kul baad tahay ooddii qoyaan ahba olol leefaya baad tahay. Cuqubooyin ururiyo inkaaraad qabtaayoo waxaad tahay abguridii Abuubakar qaniintee eedeeyey Nabigii. Af macaan ah uur daban ashahaadda beenta ah ma aqbalo ilaahay.

 

 

Loading...
Loading...