Sacuudiga Oo Guul-darro Kala Kulmay Codeyn Ka Dhacday Qaramada Midoobay

0
Thursday October 15, 2020 - 09:32:02 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1322
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sacuudiga Oo Guul-darro Kala Kulmay Codeyn Ka Dhacday Qaramada Midoobay

    "Doorashada lagu soo xulay xubnaha cusub ee Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee QM"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Doorashada lagu soo xulay xubnaha cusub ee Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee QM"

Saudi Arabia ayaa Talaadadi ku guul-darreystay inuu xubin ka noqdo, Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay, hase yeeshee waxaa Golahan oo ka kooban 47 waddan ka mid noqday dalalka si aad ah ugu tuntay xuquuqda aadanaha oo ay ka mid yihiin Shiinaha iyo Ruushka.

 

Doorashada lagu soo xulay xubnaha cusub ee Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee QM oo aheyd mid qarsoodi ah, ayaa waxaa shalay ka mid noqday dalalka Bolivia, Britain, China, Cuba, France, Gabon, Ivory Coast, Malawi, Mexico, Nepal, Pakistan, Russia, Senegal, Ukraine iyo Uzbekistan. Saddex sano ayay ka mid ahaan doonaan Golaha, waxaana muddo xileedkooda uu u billaaban doonaa koowad bisha Jannaayo ee sannadka 2021.

 

Sacuudiga oo dhaqaale xoogan ku bixiyo QM, ayay khubarradu sheegeen, inuu ku waayay kursiga uu u tartamay, dagaalka uu ka wado Yemen oo sababay masiibo bani,aadannimo tii ugu xumeyd ee aduunka lagu arko sannadihi dhawaa, iyo dilkii wariye Jamal Kashikji oo lagu eedeeyay inuu amarkiisa lahaa dhaxalsugaha boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salman.

 

Ka mid noqoshada dalalka Shiinaha iyo Ruushka ay ka mid noqdeen Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Shiinaha, ayaa cambaareyn xoogan kala kulmay hey’adaha caalamiga ah ee xuquuqda aadanha.

 

VOA


Loading...
Loading...