Madaxweynaha Taiwan Oo Ka Hadashay Xidhiidhka Ay La Samaysteen Somaliland Iyo Qodobo Kale

0
Wednesday October 14, 2020 - 21:46:15 in News by
  • Visits: 1486
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Taiwan Oo Ka Hadashay Xidhiidhka Ay La Samaysteen Somaliland Iyo Qodobo Kale

    Madaxweynaha Taiwan Oo Ka Hadashay Xidhiidhka Ay La Samaysteen Somaliland Iyo Qodobo Kale

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Taiwan Oo Ka Hadashay Xidhiidhka Ay La Samaysteen Somaliland Iyo Qodobo Kale


Hargeysa(HWN):-Madaxweynaha Dalka Taiwan Tsai Ing-wen ayaa Sheegtay in dalkeena Taiwan iyo dalka Somaliland ay iska kaashan karaan Dano badan oo labada dal khuseeya.




Tsai Ing-wen ayaa Sheegtay in dalkeena Taiwan iyo dalka Somaliland ay iska kaashan karaan Dano oo Toddobaadkan qaabishay Wakiilka Somaliland ee dalkaa Maxamed Xaaji Maxamuud ayaa waxay xidhiidhka cusub ee Somaliland iyo Taiwan ku tilmaantay mid Taariikh ah.


Madaxweyne Tsai Ing-wen waxay sheegtay inay ku kalsoon tahay in iskaashi dhow oo dhex mara Somaliladn iyo Taiwan uu wanaajin karo Maalgashiga iyo Horumarka labada dhinac.


"Somaliland waa Goob istaraatiiji ah oo ku taalla Geeska Afrika, halka ay Taiwana buuxiso Goob Juquraafi ahaan Istaraatiiji ah..” ayay tidhi Madaxweynaha Taiwan, waxayna intaa ku dartay "Somaliland waa Dimuqraadiyadda Afrika, Taiwana sidaas oo kale waxay dedaal ugu jirtaa inay sii xoojiso Dimuqraadiyaddeeda..”


Madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen waxa kale oo ay sheegtay "Haddii wada-jir loogu dedaalo in la is kaashado, waxaynu noqon karnaa saaxiibbo isku dhow, oo midba midka kale uu si adag uga taageero Fagaareyaasha Caalamiga ah..”


Wakiilka Somaliland ee Taiwan Maxamed Xaaji Maxamuud ayaa isna kulankaa ka sheegay in Somaliland iyo Taiwan ay wadaagaan Arrimo badan oo ay ka mid tahay Dimuqraadiyaddu iyo siday ugu adkaysteen dagaallada ka dhanka ah Qadiyadahooda.

Loading...
Loading...