Cabdikariim Aw Cali Shabeel Oo Ku Geeriyooday Hargeysa

0
Wednesday October 14, 2020 - 10:23:16 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 3640
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabdikariim Aw Cali Shabeel Oo Ku Geeriyooday Hargeysa

    Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland iyo Mas'uuliyiin kale

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland iyo Mas'uuliyiin kale




Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland ayaa waxaa Goordhow ku geeriyooday Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland oo lagu magacaabi jiray Cabdikariim Aw Cali Shabeel.

 

Warar la helayo ayaa sheegaya in Xildhibaan Cabdikariim uu maalmihii lasoo dhaafay ku xanuunsanayay gudaha Hargeysa, hayeeshee xanuunkii uu haayay u geeriyooday, sida ay xaqiijiyeen qaar kamid ah Eheladiisa.

Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland iyo Mas’uuliyiin kale ayaa tacsiyeeyay geerida Xildhibaan Cabdikariim Aw Cali Shabeel oo kamid ahaa Golaha Wakiilada Maamulkaas.

 

Korneyl Muuse Biixi Cabdi iyo Guddoonka Golaha Wakiilada ayaa weli ka hadlin geerida Allaha u naxariistee Marxuum Cabdikariim oo la sheegay inuu maalmihii lasoo dhaafay xanuunsanayay.


Loading...
Loading...