Saylici Miyuu Fahmay Shaxda Mise Muuse Waa Uu Muquuniyay?
cidda noqonaysa gudoomiyaha afraad ee Xisbigga Kulmiye malaha iminka waxa uu noqday Xisbiga Firdhiye e` taasi oo ay fooda isku dareen Wasiir Saajin iyo Madaxwayne ku xiggeenka Saylici. Kuwaasi oo ka wada yimi Gobolka Awdal hase ahaatee loo maaro waayay muddo kadib markii ay dhex galeen cid kasta oo la filayay inay soo af-jari karto murankaas. Murankan ayaa halka uu ku sal
lahaa la fahmi waayay iyadoo uu dad badani ka diimoon yihiin.. Waxaase aakhirkii tanaasul sameeyay ama lagu qasbay inuu tanaasul sameeyo Saylici oo aanan ogayn inuu khiddada fahmay iyo inuu u baqday Kursiga Madaxwayne ku xigeen oo uu is yidhi kaagan uun ka laalaad yaan laguugu iman oo aan lagu odhan waxaa lagu tartamayaa Madaxwayne ku xiggeenimadda lafteeda.
Haddaba aan isku dayo inaan iftiimiyo bal waxa murankan dheeraaday dhaliyay iyo cidda daaha dabadiisa ka hagaysa. Arinkaas oo laga yaabo inaanu wax tibaaxa ka hayn Madaxwayne ku xiggeenka laftiisu oo ay ka diimoon tahay.
Waxaa arrinkaa hoosta ka hurinayay oo dabka hoosta ka shidayay Madaxwaynaha aan la mahadin waa Muuse Biixi Cabdi (Dameere) iyadoo uu xanbaarsanaa Wasiir Saajin. Muuse ayaa sabab u ahaa murankaas dabada dheeraaday, isaga ayuun baa na go’aamiyay in Kursiga Saylici ku fadhiyay ee Gudoomiyaha Afraad lagu
tartamo kuwa kalena aan la taaban ee ay sidaa iska ahadaan. Taladiisu waa la Jiifiyaana banaan la joojiyaana banana.
Shaxdan uu Muuse ciyaarayaa waa mid aad u balaadhan. Waa qorshe dheer oo ka duulaya in meel kasta oo shilling ka so baxayo, lehna macaash cudoon hadii ay noqoto TV, shidaal, Dhul iyo meel kasta oo il dhaqaale leh ay soo hoos gasho oo ay gacanta ku dhigaan reer Muuse Biixi. Wasiir Saajin ayaa isaguna ah wakiilka Muuse u qaabilsan baayacmushtariga xaraanta ah ee ay Muuse iyo qoyskiisu u soo tafaxayteen. Meel kasta oo il dhaqaale leh uma aabbo yeelayaan wax kale oo kasta dal iyo dad Saajinna waa gacan yaraha hawlahaa fududeeya.Waxaana la odhan karaa waa Wasiir fududeeyaha arrimaha baayacmushatri ee qasabka ah ee qoyska reer Biix Cabdi Dameere loona wado Madaxwayne ku xiggeenka mustaqbalka Kulmiye ama firdhiye doorashadda danbe haddiiba uuku guulaysto.
Wasiir saajin waa fududeyaha hawlaha ganacsigaa qasab ku macaash ka ah ee Muuse, rumayso ama a harumaysan. Mana laha raganimo uu wax ku diido. Arinkan saylicina isaga ayuun baa faray oo ku yidhi cumaha iska laalaadi. Arinkiiba waxa uu ku soo ururay xilahaaga soo kaxayso sidii oo aan maamul iyo dawladi meesha ka jirin waar hablo ayaa la is waydiisanayaa mmeday dawladnimaddii Somaliland ee la soo dhisayay mudada 30 sanno ahayd ka hor intii anuu Saylici ku dhawaaqin intii uu is dhiibay.
Inkastoo uu adeedsaday erayga ah inuu tanasulay, runtuse waa in la muquuniyay oo uu is yidhi waar bal kursigaagan uun ku mitid hadiiba lagugu nabad galiyo. Halka uu Saajin afgobaadsi been ah inoo akhriyay sida waa odaygaygii oo aan deegaaan ka soo wada jeedno iyo hadalo aan nuxur badan lahayn.
Isku soo wada xooriyoo halka loo wado saajin waa Madaxweyne ku xigeen inuu u noqdo Muuse Biixi term ka labaad. Waa hadiiba ay dhacdo oo uu ku guulaysto uma eega oo indhaheedii ma laha e’
Waxaan jecelahay inaan maqaalkan ku soo ururiyo in hadii uu jarta fahmay Saylici iyo haddii kale ba lagu tashaday in loo boqro Saajin inuu noqdo Madaxwayne ku xiggeenka Muuse Biixi Cabdi (Dameere) doorashadda soo socota haddii ay ku guulaystaan iyo in birta la sii waydaariyo Saylici. Saajin hawl wayn ayuu u hayaa muuse waana boqrnaha Biixi ee Madaxwayne ku xigeeenkiisa termka labaad iyo fududeeyaha hawlahaa baayacmushtar qasabka ah ee qoyska reer Biixi Cabdi Dameere ku foogan yihiin hadda ee ahayd wixii uu mudada dheer inoogu sheekaynayay waxaan uga mid ahaa SNM inaan soo celiyo gobanimaddii ka luntay dadka reer Somaliland 60 sanno ka hor taasi oo noqotay taa Dameero loo sheeg.
Qore: Cabdi Muxumed
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!