Cali Khaliif Galaydh Miyaanu AhaynMuwaadin Somaliland u Dhashay?

0
Wednesday October 14, 2020 - 10:00:30 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 841
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cali Khaliif Galaydh Miyaanu AhaynMuwaadin Somaliland u Dhashay?

    Qore: Cabdi Muhumed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qore: Cabdi Muhumed

Marka hore aan idhaahdo Alle ha u naxariisto marxuum Cali Khaliif Galaydh oo dhawaan xaqii ku haleelay magaalada Jigjiga ee ismaamulka Soomalida Ethiopia, kaasi oo ilaa hadda warar kala duwan ka soo baxayaan sidii geeriduusu ku timi. Sida ay doonto ha ahaatee waxa xaq ah in qof waliba dhadhamin doono geerida oo aanu gafayn.

 

Wararka laga helayo ehelkiisa oo BBC da la hadlay ayaa sheegay in Muqdisho lagu aasi doono, taasi oo aan is leeyahay waa xil gudasho la’aantii ay Somaliland caanka ku ahayd tan iyo intii la abuurayba. Bal tiri ragga caanka ahaa ee ay ahayd in Somaliland loogu sameeyo aas qaran ee quroomo kale ku faaneen Cumar Dhuule Cali,Maxamed Saleebaan Tubeec, Xuseen Aw-Faarax iyo iminka oo la sii wado Alle ha u naxariisto e’Professor Cali Khaliif Gayaldh.

 

Waxaan xusuustaa mudo ku dhow saddex sanno ka hor aniga oo maraya barxada hore ee Maan-soorHotel oo uu isna ka soo baxay dhinaca kadinka hore ee Hotelka. Intaaan joojiyay ayaankula kaftamay hadal run ah oo uu isna ka garaabay.

waxaa wehelinaysay gabadh aan da’deeddu aad u waynayn oo aan kolayba

U qaatay inuu waalid u ahaa. Salaan ka dib waxa aan ku idhi "Caliyow dadka reer Somaliland waa isku mid dhan kasta oo laga eeggo haddii ay ka yimaadeen Maroodi-jeex, Sool ama Togdheer ee waxa kaliya ee ay la’yihiin waa siyaasiyiintii hanan lahayd ee isku dubaridilahayd siwada jirana u hawl galin lahayd” iyadoo aan uga jeeday uma baahna kala qaybin sida beel dhexe ama kuwa Darafyadda iyo wixii la midah, amase Khaatumo iyo maamul goboleed laga dhex qotomiyo. Somaliland ee waxa ay u baahan tahay kuwa aan anigu u aqaan Adeegayaal Bulsho, dadka intiisa badanina u yaqaaniin siyaasiyiin.

 

Waxyaabihii aan jeclaa inaan ku sii idhaadhdo haddii aanu wakhti badan isku heli lahayn waxaa ka mid ahaan lahayd, Somaliland waxa ay u baahan tahay dastuurka qaranka oo lagu sameeyo dib u habayn balaadhan. Si uu u noqda mid u wada cuntama Somaliland iyo dadkeeda oo dhan, loogana gudbo buug yarahan ay ka tageen Maxamed Xaaji IbraahimCigaal iyo Qaybe iyo ninkii Soodaaniahaaeedastuurka wax ka qorayooku qaadan jiray $500 maalintii horaantii 2000, Kaasi oo ahaa mid khabiir ku ah sida loo qoro dastuurad dal amase mahadin  buugyaraha alagu tilmaamo inuu yahay Dastuurka Somaliland.

 

Markaa waxaan qabaa anigu in loo baahan yahay in Somaliland dastuurkeeda lagu sameeyo dib u habayn ama waxaan afka qalaad lagu yidhaahdo Reform of Constitution haddii la doonayo Somaliland siman oo ka kooban intii wada dagaysay

Dhulkaa la isku odhan jiray British Somaliland.Haddii kale kala socodkaa iyo kala sheegashadaa ayaa uu wakhtigu kaga dhamaan Somaliland mana aha beelaha darafyadda uun,meeye ardaayaddii kale sida Gobooye,Tumaal iyo Yibro miyaanay deegaan iyo muwaadiniinreer Somaliland ahahayniyaguba?

 

Taas ayaan Cali Khaliif Alle ha u naxariistee u soo jeediyay in kastoo mudo kooban aanu wada taagnayn haddana si caqli badnaan ah ayuu ii dhagaystay.Waxaan u sheegay uun in Somaliland u baahan tahay dastuur u wada adeega iyo adeegayaal Bulsho ama siyaasiyiindanta qaranka ka wada shaqaysa.Inta kuwaa la helayo Somaliland noqon mayso qaran jira oo caalamka ka tirsan hadii kale iyadoo sidaa u yowyowtamaysa ayuu wakhtigu kaga dhamaan oo shinbiruhu ku ciyi.

 

Aan u soo noqdee meeday xukuumaddii Somaliland ilaa hadda lagama hayo inta ay u yar tahay tacsi ay dirtay oo ay gaadhsiisay qoyskii Cali

Khaliif Galaydh iyo qaraabadiisii iyo ummadda Somaliland oo uu ka baxay.bacdamaa uu ahaa qof u dhashay qaranka Somaliland marka laga tago

kala duwanaansha siyaasadeed ama afkaareed taasi oo aan ka xayuubinayn dhalasho ahaan halka uu ka soo jeedo.Maalmo ka hor geeridiisa

ayuu dhaliilayay Farmaajohan iminka iska oohinaya eeleh waan tacsiyadaynayaa iyo aas qaran ayaan u samaynayaa.

 

Maxaanse kula yaabi Somaliland iyo Xukuumadeedda meel ay jaan iyo cidhib dhigeen lama hayo geeridda Cali. Maye golihii Wakiiladda iyo Shirgudoon kooddii? Maye guurtiddii? Mise guurti dhaba oo xulah waxaa inoogu danbaysay Sheekh Ibraahim Sheekh Yuusuf Sheekh Madar iyo raggii Somaliland badbaadiyay oo uu ka nool yahay Sheekh Cabdillaahi Sheekh Cali Jawahar.

Geeridda Cali waxa ay ifka u soo saartay sida aanay Somaliland u lahaynsiyaasiiyin dhaba oo la tirsado marka laga tago kuwo magac u yaala.

 

Haddii arinku sidaa ka duwan yahay oo ay Somaliland leedahay hogaan dhaba iyo siyaasiyiin wax garad ah waxa la maqli lahaa Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi (Dameere) iyo Xukuumadda oo gaadhsiiyay tacsi isla judhiiba qoyskii Cali iyo qaranka Somaliland ba.Waxaana la qabanqaabin lahaa aas qaran iyadoo lagala arrinsanayo qoyskii Cali Kahliif Galaydh.Haddiiba ay si kale u dhacdo oo ay suurta gal noqon waydo in Cali lagu aaso Somaliland, waxaynu noqon lahayn qaran Cali KhaliifGalaydh dan ka lehooisnauu u dhashaywaajibkiisiinagutay.

Laakiin sidan xaal yahay ee aan jabaq laga hayn Somaliland iyo saddexdeeddii gole waa inaanu Cali Khaliif Galaydh ka mid ahayn muwaadiniintii u dhalatay dalka Somaliland oo la dafirsan yahay. Taasna waxaa lagala xisaabtami oo taariikhdu u diiwaan galin xukuumadda Muuse Biixi Cabdi (Dameere) iyo labadda gole ee fadhiidka ah; ka Wakiiladda iyo Guurtidda.Waana mar kale oo ay habow cagta u saareen hadba kuwo loo igmado inay qaranka u raraan meel naq leh hase ahaatee ku fura Lama dage. Aan ku soo gabagabeeyee Cali Khaliifoow Alle Godka ha kuu nuuriyo oo naxariistiisa hakuugu deeqo.Waa lagu gabay sidii loo gaasiray Cumar Dhuule Cali,Xuseen Aw-Faarax Dubbad,Maxamed Saleebaan Tubeec iyo Cali Sandulle dhamaantood alle ha u naxariisto.

 

AMIIN… AMIIN…

Qore: Cabdi Muhumed

[email protected]

 


Lis Dairy
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...