Maxaad Ka Taqaanaa Xaaladaha Uu Ku Sugan Yahay Gobolka Geeska Africa

0
Wednesday October 14, 2020 - 09:47:40 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 994
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaad Ka Taqaanaa Xaaladaha Uu Ku Sugan Yahay Gobolka Geeska Africa

    , Dadkiisa , Khayraadka Uu Leeyahay Iyo Hirdanada Loogu Soo Jiro !

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

, Dadkiisa , Khayraadka Uu Leeyahay Iyo Hirdanada Loogu Soo Jiro !
Gobolka Geeska Africa waxa uu dhacaa ( ku yaalaa ) dhinaca bari ee qaarada Africa , xaga waqooyi waxa ka xiga Badda Cas oo u kala dhaxaysa Gobolka iyo Jaziirada Carabta , Xaga koonfureed iyo xaga Bari na waxa ka xiga badweynta Hindiya , Gobolka Geeska Africa waxa uu ka kooban yahay shan dal oo mid ka mid ahi aanu wali aduunka aqoonsi ka haysan oo kala ah Somaliland , Ethiopia, Somalia, Djibouti iyo Erateria .



Gobolka Geeska Africa qoomiyadaha ku nool waa qaar tafiir ahaan aad isugu wada dhow-dhow , xaga dhaqanada marka aad eegtana wax sidaa usii kala fog maaha , marka laga reebo in kooban , waxaa lagu qiyaasaa in ay yihiin ilaa sideed iyo sideetan qoomiyadood , luuqadahooguna waa ilaa sagaashan , diimaha ay haystaan waa muslim,  kiristan, Judaism , iyo dad bilaa diin ah oo aaminsan dhaqanka .


Qoomiyadaha ugu waaweyn waxaa ka mid ah Soomaali , Oromo , Canfar , Amxara , Tigray , Waleta , Sidama, Surma , iyo qaar kale oo badan, inta ugu badani waxa ay ka tirsan yihiin shucuubta koonfureed ee dalka Ethiopia , dhulka Geeska Afrika waxa lagu qiyaasaa in uu yahay bad ahaan 1.883 million km² .


Waxa Gobolkani loo yaqaanaa halkii aduunku ka bilaabmay , waxa laga helay lafaha qofkii aduunka ugu da'weynaa ( Lucy ) inta la garanayo , waxaa la isku raacsan yahay in taariikh da aduunka ugu badani ku duugan tahay , sidaasi oo kale ayaa waxa ka dhisan dawladaha aduunka ugu fac tirsiga weyn oo tusaale ay u tahay dawlada Ethiopia. 


Gobolka Geeska Africa waxa uu yahay gobol khayraadkiisa dabiiciga ahi 99% uu yahay mid dihin oo aan wali la daah furin ( lala soo bixin ) waxa uu leeyahay macdano kala duwan,  saliidaha caydhiin,  gaaska dabiiciga ah , iyo khayraadka badan ee bad iyo bariba laga helo .


Gobolka Geeska Africa dadkiisa tiro ahaan inta joogta waxa lagu qiyaasaa 136 , 390 , 270 oo qof oo dad ahi in ay ku nool yihiin , dad intaa marka sadex loo qaybiyo meel ahina waxa ay ku nool yihiin qaaradaha kale ee aduunka oo ay ka shaqeystaan intooda badani in koobanina waxbarasho ugu maqan tahay , dadka Gobolka Geeska Africa waxa ay isugu jiraan reer magaal iyo reer miyi ( xoolo dhaqato iyo beeralay ) ah.


Gobolka Geeska Africa waxa uu ka mid yahay gobolada dadkiisu ugu socdaalka badan yihiin ( qaxooti ) ee ay qaaradaha kale u doontaan nolol, taasi oo ay keento , colaado iyo gaajo ka carar,  sababta oo ah gobolkani waxa ragaadiyey colaado soo jireen ahaa oo qoomiyado,  qabaail,  diimo iyo jabhado dawlado la dirir ahaa, arimahani oo sababay in dadkiisu sabool ahaadaan isaga oo ah gobolada aduunka ugu khayraadka badan.


Gobolka marka la eego xaga dhaqaalaha waxa aad moodaa in uu aad u soo karayo,  hayeeshee  marka la isku eego khayraadka uu leeyahay, taariikhda ku duugan iyo halka maanta aduunku marayo wax badan oo muuqda kama noqonayso,  taasi oo u eeg in aanay dalalka iyo guud ahaan gobolku isku tashan, si ay hore ugu socdaan oo loo hor maro , halka maanta la taagan yahayna hore looga talaabsado. 


Gobolka Geeska Africa waxa uu ka mid yahay gobolada dawlado badan oo aduunka ahi ay ku leeyihiin farogalin dadban iyo mid toos ah , sidaasi oo kale ayaa gobolka waxa iyaguna hoy ka soo dhigtay argagixisada caalamiga ah oo ka faaiideysanaysa xasilooni darada iyo deganaansho la'aan siyaasadeed oo ragaadisay gobolkani. 


Waxa kale oo Gobolka aad u danaynaya dawladaha iyo quwadaha aduunka awoodihiisa maamul iyo dhaqaale ku hirdamaya oo ay ugu waaweyn yihiin China iyo America , sidaasi oo kale ayaa waxa iyaguna hadda laydhoodu haysaa Russia iyo India,  Taiwan , Israel, Egypt , waxa iyagu hore ugu hirdamayey isbahaysiyadii isku hayey dawladaha khaleejka ee UAE , SAUDI ARABIA , QATAR , TURKEY IYO IRAN oo aan sinaba uga madhnayn arimaha iyo xaaladaha uu ku sugan yahay gobolku. 


Marxalado badan iyo xaalado oo uu hadda ku sugan yahay gobolku waxa uu kaga bixi karaa wadajir iyo isku duubni nabadeed oo la raadiyo,  iyo in la helo hogaamin ka aragti iyo aqoon duwan waxyaabaha Gobolka ragaadiyey, taasi oo ku imanaysa , in la furo bog cusub oo taariikheed oo ay u aayaan jiilasha dambe ee dadka ka soo jeeda gobolkani si ay u hiigsadaan aduunka hore u maray iskuna kaashadaan. 


Waxa aan qabaa marka xaaladaha gobolka gudihiisa  xal loo helo in aduunka kalena lala gorgortami karo , la iska celin karo , lala macaamili karo, waxna lala qaybsan karo, arimaha iyo hawlaha xalka u baahani oo lagama maarmaanka ah in wax laga qabto oo ay ugu horeyso arimaha Somaliland iyo Somalia, khilaafyada ka soo huraya Ethiopia ee goboleysiga iyo  qoomiyadaha oo ah wax aan gobol ahaan u wanaagsanayn,  culeysyada isbadel doonka ah ee dalalka qaar ka jira oo iyaguna muhiim ah iwm. 


Taariikhda waxa sameeya hadba inta nool oo ku dhiirata una dhabar adaygta in ay isbadel hor leh oo umadeed iyo gobolba sameyso, mana aha wax adag ee waxa ay u baahan tahay garasho iyo ku dhicisteeda in la yeesho , lagana digtoonaado waxa Gobolka guud ahaan iyo dalwalba gaar ahaan dib u dhigey ee halkaa maanta uu aduunka ka joogo joojiyey. 


Gobolkani uma baahan colaado siyaasadeed , is-muquunin iyo isu-awood sheegasho, dagaal iyo barakac umadeed ee waxa uu rabaa hogaamin hal abuur leh oo nolol,  nabadgalyo , wanaag , isjacayl iyo horumar gaadhsiisa u abuura oo habaaska iyo halka uu maanta taagan yahay kor uga qaada , waana xujo hortaala wax-garadka , aqoonyahanka,  hogaanka siyaasadeed,  hogaamada diimaha,  iyo odayada dhaqanka iyo inta umadu eegato ee u hormoodka ah.

Muxamed Dhimbiil

Sawirkani waa qariiradii dawlada Turkey 1935 kii ee Geeska Africa 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...