Fa'iidooyinka Laga Helo Biyaha Lacabo Subaxa Hore

0
Wednesday October 14, 2020 - 09:41:52 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2073
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fa'iidooyinka Laga Helo Biyaha Lacabo Subaxa Hore

    Best regards Mustafe Abdilahi Hussein

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Best regards Mustafe Abdilahi Hussein
Waxaynu wada ogsoonahay qiimaha weyn ee biyuhu u leeyihiin nolosheena guud ahaan, wa hubaal inaynan ka maarmi karin biyaha dhamaan dhinacayada nolsheena. 


Biyaha weynu cabnaa, weynu ku maydhanaa, weyn ku waraabinaa beeraha iyo nimcoolayda kale ee ilahay ina siiyay, xataa dhamaan gaadidka samayska ah noocyadiisa kala duwan weyn ognahay inayn shaqayn karayn biyo la, aan. 



Intaas oo dhan iyadoo ay jirto haddana waxaynu maqaalkan ku eegi doona faa'iida ku jirta cabida biyaha xili hore oo subaxii ah iyadoo caloosha madhantahay


Cabidda biyaha waqti hore  ko subixii ah  waxay leeyihiin faiidooyin caafimaad oo badan , dhamaan Organs-ka jidhku waxey u baahan yihiin biyo si ay u qabt aan shaqooyinkooda  maalin lahaa si sax ah. 


Qaar ka mid ah faiidooyinka laga helo cabidda biyaha waqtiga hore ee subixii ah. 

1. waxay nadiifinayaan Mindhiciraha (intestines), kadib jidhka waxa uu awood u yeelanayaa in si fudud saxarada iskaga saaro.


2. jidhka ayeey kasaaraan sunta (Toxins).


3. markaad cabtid biyaha subaxa hore waxaad waqti hore dareemeysaa gaajo waxaanad  awood u yeelanaysa  inaad quraacatid.


4. biyaha waxey kordhinayaan dhiiga (Blood), haddii uu dhiiga kugu yaryahay cab biyo badan subaxa hore.


5. waxey ka hortagaan madax xanuunka (Headache)


6. Waxay fududeyaan biyahu dheefshiidku  si fudud u burburiyo cuntada.


7. Waxay yareyaan culeyska jidhka (Weight loss)


8. waxay qurux iyo dhaldhalaal ka dhigaan maqaar-ka.


9. Waxay kordhiyaan tamarta (Energy).


10. Cabidda biyaha subax hore iyadoo calooshu madhantahay  waxay xoojiyaan difaaca jidhka (immune system), biyahu aad ayeey muhiim ugu yihiin jidhka waxayna ka qeyb qaataan isu dheeli tirka Fluids-ka jidhkeena ku jira.

Best regards
Mustafe Abdilahi Hussein
ministery of Development Health.
Public Health Department
B.Sc. of Microbiology
International University of Africa ( IUA)Khartoum_Sudan
contacts
[email protected]
[email protected]
‪+252634476257‬
‪+252654476257‬
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...