Doorashada USA Wax ka Ogow W/Q Mohamed Aden Hassan.

0
Wednesday October 14, 2020 - 09:38:16 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 861
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Doorashada USA Wax ka Ogow W/Q Mohamed Aden Hassan.

    Joe Biden iyo Donald Trump yaa electoral college badan?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Joe Biden iyo Donald Trump yaa electoral college badan?

USA dal dhaca qaarada North America dal ka leh ciidamada millatry e dunida  ugu awood wayn ,dalka kowaad e dhaqaalaha dunida , dalka haysta haymanada dunida leh saldhigyo ciidimo oo fara badan.

Dalkan waxa u ka doorasho duwan yahay dunida waxaana qeexay o caddeyay dastuurka dalka.

Codka guud e muwaadininta dalkaas ay u codeyan labada musharax luguma soo xulo madaxaynaha dalka ayaa helay cod badnaanta shacabka e waxa lagu soo xulaa codadka gobalada o loo yaqaan Electoral College o ka kooban 538 xubnood.

 

Hadaba Electoral college maxaad tahay?

Electrol college waa 538 xubnood , Xilligan waxaa jira 538 codbixiyeyaal ah; oo ku saleysan wakiillo gaaraya 435, 100 senetarro oo ka kala socda kontonka gobol iyo seddax ka mid ah kuwa wax dooranaya ee ka socda Washington, DC o ah caasimada dalka.

 Lixda gobol ee ugu codka  badan ee wax dooranaya waa California (55), Texas (38), New York (29), Florida (29), Illinois (20 ), iyo Pennsylvania (20). Inta gobol e kale hadhana way ka sii cod yaryihiin.

Nidaamka Kulliyadda Doorashada, gobol kasta wuxuu helayaa tiro cayiman oo kuwa wax dooranaya ah iyadoo lagu saleynayo tirada guud ee wakiillada ku jira Koongaraska. Doorasho kasta ayaa dhiibata hal cod oo doorasho ah ka dib doorashada guud; waxaa jira guud ahaan 538 sida aynu horeba u sheegnay codadka doorashada. Musharaxa hela in ka badan nus (270) ayaa ku guuleysta doorashada.

Yaa ka mida musharixinta ku gulaystay codka guud e qaranka?

 

Madaxwayne ku xigeen GORE e xukumadi bill Clinton ayay wada tarmen madaxwayne gorge W bush o somaalidu u taqaan Buushkii yaraa , Gore ayaa ku guulaystay popular vote ka balse Bush na waxa u ku gulaystay electoral college sidaasna waxa madaxwayne ku noqday George W. Bush.

Joe Biden iyo Donald Trump yaa electoral college badan?

Saadalaha la sameyay waxay qeexen in popular vote ka iyo Electoral College kaba u joe biden ka horeeyo madaxwayne Donald trump.

Doorashadan adag joe biden hadii u helo 270 cod sidaas ayu ka noqonayaa madaxwaynha 46aad e USA Ka sadaasha iyo hilaaduba isaga ayay la jirtaa hadii aan Game changer dhicin.

 

Anigu shakhsi ahaan joe biden ayaa madaxwayne noqonayaa ayaan idhi adna akhriste yaad saadalinaysaa Doorashadan o wax badan dunida ka badalaysa sida arimaha iran ,bariga dhexe e khilaafadka hadda dunida ka jira.

 

 

TWITTER:     HON Mohamed Aden Hassan

            Email:          [email protected]

 

 

 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...