Caydhintii Shalay iyo Cugashada Maanta ee Cabdillaahi Yaasiin Diiriye: Labada Kee Gar Ah Tee Se Gef Ah?

0
Wednesday October 14, 2020 - 09:16:09 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 850
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caydhintii Shalay iyo Cugashada Maanta ee Cabdillaahi Yaasiin Diiriye: Labada Kee Gar Ah Tee Se Gef Ah?

    W/Q: Siciid Maxamuud Gahayr

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Siciid Maxamuud Gahayr



"Agaasimihii Manaahjita Ee Tuhunkii Buugta Diinta Kiristanka Loo Eryay Oo Dib Loogu Magacaabay Lataliyaha Tayaynta Waxbarashada”


Sawirka aad aragtaa waa laga digreeto oo iska soo horjeeda, hal qof ayay ka soo baxeen, hal qofna dayro iyo derejo ayay u yihiin. Sillansugantaas ayaa sababtay in aan suaalo is weyddiiyo saqdii dhexe ee xalay, saakana aan sadarro u baahan sababayn aan sabadka kula soo kallaho.


Md Axmed Maxamed Diiriye Cige (Toorno) Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland ayaa 27kii Ogos 2020ka si madaw abuuraysa uga hadlay dugsiyo la sheegay in lagu dhigo manhaj khilaafsan diinta Islaamka, inay tallaabo qaadayaan ayuu ku gooddiyay.


Waxaanu marmarsiiyahaas maalin kaddib shaqada uga eryay Agaasimihii Xafiiska Manaahijta Somaliland Cabdillaahi Yaasiin Diiriye, oo xilkaas hayay inta aan hubo illaa 1995kii ama 25 sanno. Xilli sawaxan jiro ayaa lagu samaystay.

War ku saabsan xil-ka-qaadistaas oo aan ka soo xigtay barta Facebook ee Suxufi Khaalid Foodhaadhi


 ayaa u dhignaa sidan:

Wasiirka Waxbarashada Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), ayaa xilkii ka qaaday Agaasimihii Waaxda Manaahijta ee Wasaaradda Waxbarashada Cabdillaahi Yaasiin Diiriye, kadib markii qaar kamid ah dugsiyada Somaliland ardayda loogu dhigay casharro ka baxsan Manhajka Somaliland kuwaasi oo ku saabsan diinta kiristaanka.


Maalin kaddib dharaartaas oo ahayd 29kii Ogos 2020ka Agaasimihii Xafiiska Manaahijta Somaliland Cabdillaahi Yaasiin Diiriye ayaa waraysi uu isku barraxay siiyay Telefishanka Bulsho TV. Waxyaabo badan oo faaqidaad u baahnaa ayuu carrabka ku dhuftay. Walaw aan rabay inaan falanqeeyo, waxyaabo dheellitir u baahnaa ayaa iga dhinnaa, haddii aan dhinac raaco mooyi dhanka kale wuxuu odhan lahaa. Wax i cubba-dhawray ayaa jiray.


Nasiib-darro waxa xilliyadiiba xogtii laga saaray Youtubeka iyo Facebooka Bulsho TV, waxaanay xogo hoose tibaaxeen inay ka gubteen madaxda ugu sarraysa wasaaraddu. Taas beddelkeeda lagama jawaabin, lamana burin, waase laga gaabsaday. Wuu ku qasbnaa inuu caddeeyo waxa loo caydhiyay, waayo cumaamadda ayaa laga ridayay, waxaana lagu samaystay jinniyado. Waxaad ku fahmaysaan "Show ayaa lagu bixiyay”.


Eedaha uu jeediyay agaasimihii manaahijtu waxa ka mid ahaa:

1. In wasiirka waxbarashadu taladii xafiiska manaahijta maroorsaday

2. In la midaynayo manhajka Soomaalilaan iyo Soomaaliya

3. In wasiirku furtay xarun aan sharci ahayn oo lagu dhejiyay magacii iyo astaantii wasaaradda waxbarashada iwm


Marka warcelinta laga tago, waxa aan wasaaradda waxbarashada ka filayay inay anshaxmarin ku sameeyaan agaasimihii manaahijta haddii uu gabboodfal ku hadlay ama beenabuur faafiyay……. Cisho kaddib ama 30kii Ogos 2020ka ayay guddi ka tirsan wasaaradda waxbarashadu meesha ka saareen buuggii muranka dhaliyay, waxaanay soo saareen warsaxaafadeed qodobka kowaad ee ugu muhiimsani ahi u dhignaa sidan:


Guddidu waxay bulshada Somaliland iyo caalamkaba u caddaynaysaa in aanay jirin dugsiyo Somaliland ku yaalla oo hadda lagu dhigto ama hore loogu dhigtay diin aan Islaam ahayn, isla markaana aanay arrintaa oggolayn Wasaaradda, maamulayaasha iyo macallimiinta goobaha waxbarashada, waalidinta iyo ardayda midkoodna.


Wax ay maalmuhu socdaan, wax ilbidhiqsiyo, toddobaadyo, daqiiqado iyo bilo laga gudbo waxa soo baxday digreeto kale oo u muuqata in lagu burinayo xilkaqaadista Agaasimihii Xafiiska Manaahijta Somaliland Cabdillaahi Yaasiin Diiriye, waa xulasho u eg raalligelin, xaal iyo ka xumaanshiyo wixii hore u dhacay. Isla masuulkii marka hore xaashida soo saaray ayaa tanna ku saxeexan.


45 cisho oo qudha kaddib, shalay 13kii Oktoobar 2020ka waxa Cabdillaahi Yaasiin Diiriye loo magacaabay Lataliyaha tayaynta waxbarashada. Haddiiba tayayn loo igmaday, waxa muuqata in aanu turxaan hore geysan. Adeer hambalyo ayaan leeyahay Alle ha u fududeeyo xilkaas loo doortay. In xayuubintii hore aanay ahayd sida xogtu inoogu timi, hadalkiisii ahaa "Naftayda ayaan xaal ka siinayaa” uu run yahay ayaa ii bidhaamaysa.


Maqaalkani waxa uu idinku dhaafayaa weyddiimo ay tahay in aan lafagurno oo ay ka mid yihiin:

1. Maxaa ka jira eedaha uu sheegay Cabdillaahi Yaasiin Diiriye markii la eryay?

2. Digreetooyinka Xad-dhaafay Ee Wasaaradda Waxbarashada: Maqnaanshaha Akadamigii Fanka iyo Cilmiga?

3. Bundadaha magacaabista iyo xilkacaydhinta ah, ee ay la socdaan xilalka ay ka mid yihiin U qaabbilsanaha Waxbarashada UK, Lataliyaha Xoolaha, illaa La Taliyaha Suuldhabaalaha”

4. Wasaaradda Waxbarashadu maxay ka qabatay gabaygii dhiirrigelinayay takoorka ee ku jiray manhajka afka Soomaaliga ee fasalka 4aad ee dugsiyada sare?



AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...