Kim Jong Un 'Oo Isaga Oo Ilmeynaya Qirtay' Guuldarro

0
Wednesday October 14, 2020 - 08:20:31 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2061
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kim Jong Un 'Oo Isaga Oo Ilmeynaya Qirtay' Guuldarro

    "Xishoodka iyo daacadnimada uu muujiyey Kim, isaga oo ilmeynaya oo sixanaya,"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Xishoodka iyo daacadnimada uu muujiyey Kim, isaga oo ilmeynaya oo sixanaya,"

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa u muuqday inay ilmo ka qubaneysay markii uu dhammaadkii toddobaadka la hadlay shacabkiisa, isaga oo uga mahad-celinaya naf hurnimada ay sameeyeen.

 

Inkasta oo Kim uu sii xajistay xukunkiisa dalka go’doosan, ayaa haddana dadka fallanqeeya siyaasadda Korea-da Waqooyi waxay sheegayaan in Kim u muuqday mid isu muujinaya inuu yahay hoggaamiye ka duwan aabihii Kim Jong Il.

 

Isaga oo ka hadlayey dhoola-tus militari Sabtidii, ayaa Kim waxaa qaaday dareen xilli uu ciidamadiisa uga mahd-celinayey jawaabtii ay ka bixiyeen musiibooyinka dabiiciga ah ee dalkaas, ayna ka hortageen faafitaanka cudurka Coronavirus.

 

Waxa uu sidoo kale shacabka uga cudur daartay inuu ku guul-darreystay inuu sare u qaado oo uu wanaajiyo heerka noloshooda.

 

"Xishoodka iyo daacadnimada uu muujiyey Kim, isaga oo ilmeynaya oo sixanaya, waxay ahaayeen kuwa aan caadi ahayn, xitaa marka loo eego qof si shaacsan u qiranaya guul-darooyinkiisa,” waxaa sidaas tiri Rachel Minyoung Lee, oo ah cilmi-baare madax-banaan iyo fallanqeeye hore oo arrimaha Korea-da Waqooyi u qaabilsaneyd dowladda Mareykanka.

 

"Khudbadda oo ay aheyd mid si taxaddar leh loo qaabeeyey si loola jaan-qaado shacabka, waxay ka dhigeysaa Kim mid u muuqda hoggaamiye karti iyo soo jiidasho iyo dhinac bani’aadannimo leh,” ayey tiri.

 

Kim ayaa culeysyada dhaqaale ee Kuuriyada Waqooyi ay wajaheyso wuxuu ku eedeeyey cunaqabateenada caalamiga ah ee saaran Kuuriyada Waqooyi, cudurka Coronavirus, iyo dabeylo iyo daadad is xig-xigay oo dalkaas ku habsaday.

 

VOA


Loading...
Loading...