Kaaliyihii Xoghayaha Arrimaha Dibedda Ee Maraykanka Oo Caalamka U Diray Fariin Ku Saabsan Somaliland

0
Tuesday October 13, 2020 - 21:39:23 in News by
  • Visits: 3682
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Kaaliyihii Xoghayaha Arrimaha Dibedda Ee Maraykanka Oo Caalamka U Diray Fariin Ku Saabsan Somaliland

    Kaaliyihii Xoghayaha Arrimaha Dibedda Ee Maraykanka Oo Caalamka U Diray Fariin Ku Saabsan Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kaaliyihii Xoghayaha Arrimaha Dibedda Ee Maraykanka Oo Caalamka U Diray Fariin Ku Saabsan Somaliland


Hargeysa(HWN):-Kaaliyihii Xoghayaha Arrimaha dibedda ee Dawladda Maraykanka u qaabilsanaa Qaaradda Afrika Sanadihii 1989-1993 Danjire Herman J. Cohen, ayaa Bulshada Caalamka ugu baaqay inay noqdaan Waaqiciyiin oo ay aqoonsadaan kala Tagga Somaliland iyo Soomaaliya.




Danjire Cohen ayaa qoraal kooban oo uu 10-kii October, 2020 ku qoray Bartiisa Twitter-ka wuxuu ku sheegay inaan la is garab dhigi karin.


"Jamhuuriyaddii Soomaali waxa gumaystay Talyaaniga, Somaliland-na Ingiriiska, labaduna xorriyad ayay heleen si dhakhso ahna waxay u midoobeen 1960..” ayuu yidhi Danjire Cohen, waxaanu intaa ku daray "Somaliland waxay u go’day si ay u samaysato Dawlad Madax-banaan, waa laba aan gebi ahaanba la is barbar-dhigi karin..”


Dublamaasigan Maraykanka ahi isagoo la hadlaya Beesha Caalamka wuxuuyidhi"Beesha Caalamku waa inay noqoto Waaqici oo ay aqoonsadaan Kala Taggaas (Somaliland iyo Soomaaliya)…”

Loading...
Loading...