Malleeshiyaad Taageeri jiray Puntland oo isu dhiibay Millateriga Somaliland ee Gobolka Sool

0
Tuesday October 13, 2020 - 17:55:55 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1681
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Malleeshiyaad Taageeri jiray Puntland oo isu dhiibay Millateriga Somaliland ee Gobolka Sool

    Malleeshiyaad Taageeri jiray Puntland oo isu dhiibay Millateriga Somaliland ee Gobolka Sool

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Malleeshiyaad Taageeri jiray Puntland oo isu dhiibay Millateriga Somaliland ee Gobolka Sool

Hargeisa(HWN):-Malleeshiyaad hubaysan oo taageeri jiray Maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya, ayaa isu dhiibay maanta Ciidanka Qaranka Somaliland, kuwaas oo watay laba Gaadhi iyo hub.


Tirada Malleeshiyada is dhiibtay, ayaa lagu sheegay illaa 70 Qof oo watay hubka fudud iyo laba Gaadhi oo Tikniko ah, waxaanay si rasmi ah Salaasada maanta isugu dhiibeen Ciidanka Millateriga Somaliland ee fadhigoodu yahay deegaanka Boocame ee gobolka Sool.

Malleeshiyaadka hubaysan ee Ciiddanka Puntland taageeri jiray, markii ay isa soo dhiibeen ka dib, waxa si diirran u qaabbilay Maayerka degmada Boocame Faarax Cali Maxamed iyo Taliyaha Ciiddanka Qaranka ee fadhiisinkoodu yahay Boocame.
CIIDANKA QARANKA SOMALILAND EE SOOL oo Qaabbilay Malleeshiyaad isu dhiibay 2020.jpg

Sarkaalka hoggaamiyey maleeshiyadka oo la yidhaahdo Gaashaanle Cabdixakiin Yaasiin Maxamuud oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay garwaaqsadeen in dalkoodu yahay Jamhuuriyadda Somaliland isla markaana ay ka soo goosteen Maleeshiyada Puntland oo uu sheegay inay Caddaalad darro ba’an iyo reernimo ku hayeen. Waxaanu tilmaamay inay ku faraxsan yihiin in lagu soo dhaweeyo deegaankoodii islamarkaana ay ka mid noqdaan ciidammada qaranka.

Duqa degmada Boocame ee gobolka Sool Faarax Cali Maxamed, ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan ciidanka ka soo goostay Puntland oo uu xusay in u dhasheen Jamhuuriyadda Somaliland kana soo jeedaan deegaanka Boocane, waxaanu tilmaamay inuu ciidankaas uga mahad celinayo inay garteen inay u soo hiloobeen dalkoodii isla markaana ay diyaar u yihiin inay wax la qabsadaan walaalahooda Somaliland.

Taliyaha Ciidanka Millateriga Somaliland ee Boocame Axmed Jaamac Cartan, ayaa sheegay inay si niyadsami ah u soo dhaweynayaan ciidammadaas isu soo dhiibay oo uu ku tilmaamay kuwo ku baraarugay xaqiiqda, isla markaana waxa uu sheegay inay xuquuqdooda ka heli doona ciidammada Somaliland oo la qaramayn doono.

Loading...
Loading...