Proff Samatar Oo Quus Ka Taagan Xisbiga Kulmiye,Shaaciyeyna Inuu Tashan Doono

0
Tuesday October 13, 2020 - 13:13:00 in News by
  • Visits: 2521
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Proff Samatar Oo Quus Ka Taagan Xisbiga Kulmiye,Shaaciyeyna Inuu Tashan Doono

    Proff Samatar Oo Quus Ka Taagan Xisbiga Kulmiye,Shaaciyeyna Inuu Tashan Doono

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Proff Samatar Oo Quus Ka Taagan Xisbiga Kulmiye,Shaaciyeyna Inuu Tashan Doono


Hargeysa(HWN):-Proff Axmed Ismaaciil Samatar ayaa ka hadlay khilaafka lagu kala tagay ee ka dhex taagan xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye.




Proff Samatar aan ka dhex muuqan xubnaha cusub ee golaha dhexe ayaa sheegay in hadii xisbigu ka tashaday uu isaguna go’aan gaadhi doono.


Proff Samatar oo ugu horayn ka hadlaya in laga reebay xubnaha golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye ayaa waxa uu yidhi "Aniga wali liiskaas golaha dhexe imuu soo gaadhin laakiin hadii uu xisbigu sidaas ku tashaday oo uu samaystay dad cusub oo kale madaxda xisbiga ayey taasi u taala balse liiskaas maan arag, aniguna siyaasada somaliland waxaan ka yeelayo, halka aan marayo iyo hadii aan ku sii dhex jiro waan ka tashan doonaa marka wakhtigeedu ii yimaado laakiin ilaa imika wax war ah oo I soo gaadhay oo sheegaya inaan ku jiro xisbiga golihiisa dhexe iyo inaanan ku jirin ma hayo.”ayuu yidhi proff Samatar oo u waramay Bulshotv.


Sidoo kale Proff Samatar ayaa ka hadlay khilaafkii hadheeyey shirweynihii xisbiga Kulmiye ""Waan maqlay in khilaaf badani ka taagan yahay kuraasida waa weyn ee gudoomiyaha iyo ku xigeenadiisa, waanu I soo gaadhay muranka xooga leh ee kuraastaasi ka taagani, aniguna mar hadaan dibada ka joogo oo aanan waxbana ka qaban Karin inaan halkaas ka daawado sida xisbigu u socdo ayey noqonaysaa.”


Proff Samatar ayaa sidoo kale sheegay inuu ka tashan doono go’aanka uu ka qaadanayo sida uu xisbiga Kulmiye haatan u socdo "Anigana marka wakhtigaygu haboon yahay inaan talo ka gaadho inaan ku kalsoonahay sida uu xisbigu u socdo ee uu mustaqbalka u galayoiyo inaanan ku kalsoonayn, waxaanan rajaynayaa xisbigii Kulmiye inaanu halkaas dhaawac weyn ka gaadhin hadii uu gaadhina inuu dib isku daba qabateeyo laakiin taasi waxay u taalaa dadka xisbiga hogaaminaya ee hogaanka sare ku jira aniguna dibada ayaan wali ka joogaa gunta hoosana ma ogi.”

Loading...
Loading...