Qaaf-laydu Waa Hodan ( Abdi-shotaly).

0
Tuesday October 13, 2020 - 10:38:52 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1223
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaaf-laydu Waa Hodan ( Abdi-shotaly).

    Qore:- Abdi-shotaly,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qore:- Abdi-shotaly,



Waxan halkan maanta idiinku soo gudbinayaa " Silsilad Maanso" Oo uu bilaabay " Abwaan Cabdilahi Xasan Mataan" oo ku nool dalkan Boqor-tooyadda Ingiriiska, Magaala Madaxdiisa " London, taas oo ka hadlaysa faa'iidadda dhir-teena dabeeciga ah iyo sidda aqoon la'aantu inooga hayso, si wacana waxay ugu fasilaysa dhalin yaradda, aan la socon khayraadka iyo manfaca uu leeyahay dhul-keenu iyo midhaha laga gurto ee uu Eebbe ku manaystay, kuwaas oo aanay dhalin-yaradda hadda joogtaa, aqoonin, manfacii uu lahaan jirey dal-keenu, waxay jiilalkan dambe u yaqaanaan wax xun, balse maanta waxan rabaa in aan idiin guud maro, ee ku soo dhawaadda, aniga oo raba in dhirta inoo baxdaa ay raashin inoogu filan tahay, haddii aynu ku kalsoo-naano, malaha waxa debedda inooga yimaadda oo keliya baynu cunto u naqaanaaye, Waana tan Tix-ddii.

Wuxuun lama Qandooshee, hor ilaahay waan qiray,
Halku qaafku joogee,Qorka uga idlaysiyo,
Qumaati-gaad u sheeg-tiyo,Qushi hadal wanaagiyo,
Eray aan qaloociyo,Lagu arag qas iyo xume,
Qaadan waana uu jirin, Anna aan ku daro qodob,
 Qiyaas-taydda kula guro, ee u soo qandood-sadda,

Qiil-yaraw ha soo gelin, tani maaha qayrkaa,
Hadii aad qar iyo buur, isku qaado waa dhibe, 

 Soo qaata buug weyn, Looxleey qu'raan barad
 Khadka qalin ka gelisee, Qaybsii-yaan wadaadaddu,
 Qaabadoodi oo kale, Anna qaali  iga hoo,
 dhir-taad kala qorshaysaa, Qalbi-gayga galay oo,
 Ka higaashay qaafka'e, Qoda-shadda likaha iyo,

Qiil-yaraw ha soo gelin, tani maaha qayrkaa,
Hadii aad qar iyo buur, isku qaado waa dhibe, 

 Cilal qararo weyniyo, Doonbir ciida laga qufay,
 Qadaw-giyo hareeriga, Hob-hob gaws ku qabad-liyo
Gobka qiima-hiisiyo, Qaayaha jaleeladda,
Qaali-yeey gacay-radda,Garas aanu baal qoyin,
Dhafaruur is qabatiyo, Qoor dheer gahaydhiyo,

Qiil-yaraw ha soo gelin, tani maaha qayrkaa,
Hadii aad qar iyo buur, isku qaado waa dhibe, 

 Midho-caanyo qalax-liyo, Fara-dheere qodax-liyo,
 Sabkax lagu quraacdiyo,  Yicib qolof aday-giyo,
 Himirtoo qoslay-siyo,  Abid daray qoyaan-liyo,
 Malab shini qol ugu jira,Qaan-gaadhka dhurda-hoo,
Dhuun-yaale qabax-liyo,Qaan-qaani moqor iyo, 

Qiil-yaraw ha soo gelin, tani maaha qayrkaa,
Hadii aad qar iyo buur, isku qaado waa dhibe, 

Qoramaduu ku kayd-saday,Lagu qoomay gudin oo,
Qodadkii la jebiyoo,Ku qamaamay oomane,
Kolkii ay qaraareen,Qadarkii ka soo hadhay,
Ku shub-teen quraarado,Isna dibin qaniinkii,
Qaylo dhaanti uu diray,Qurub soo ma dhicin oo,

Qiil-yaraw ha soo gelin, tani maaha qayrkaa,
Hadii aad qar iyo buur, isku qaado waa dhibe, 

Qolqo-ladda wareeggii,Dhigi waayey qooboo,
Wuu ka qaday xaqiisii,Qadhaab meel walbaw u doon,
Dhirta maydhax qudhac iyo,Qansax iyo sarmaan iyo,
Salamac iyo qadhoon-tiyo,Jeerin quule saariyo,
Qarni jire galool iyo,Bilcil qodaxadda laab-tiyo,

Qiil-yaraw ha soo gelin, tani maaha qayrkaa,
Hadii aad qar iyo buur, isku qaado waa dhibe, 

Qurux-deedda maadhiyo,Qayba-heedda maajeen,
Dixi qalanjo noqo-tiyo,Qajeer cawska oo dihin
Canbuul dharabka qiiq-diyo,Karuur qawrax kala baxay,
Caruurtii ku qooq-diyo,Qabo haamo laga tolay,
Dhitaddii ku qaadhoo,qorog-yaddu ay buuxaan,

Qiil-yaraw ha soo gelin, tani maaha qayrkaa,
Hadii aad qar iyo buur, isku qaado waa dhibe, 

Qumbe subaga lugu dhigay,Kaymahaa qawaadh-saday,
 Qori-geedda hiisshiyo, Jilab aan qalalin iyo,
 Carmo diinku qaayibay, lebi koorta laga qoro,
 caleentii ay quban tahay, Qambool caaro fiiqani,
 Qolqoladda ka baxay-soo, Ubadkii qadhii-dheen,

Qiil-yaraw ha soo gelin, tani maaha qayrkaa,
Hadii aad qar iyo buur, isku qaado waa dhibe, 

Geeda-heenu Waa qani,Qaadir nagu manays-taye,
 Murtidaa an kuu qalay, Ka idleeyey qadaf-kee,
 Qoddin aan u taagee, Ka ilaashay qaladkee,
 Ku adkeeyey qoofale, Qurba-joog dhalaankaa,
 Qab-qab dhaafay lumiyee,Qaxoontiga dan maadaan,

Qiil-yaraw ha soo gelin, tani maaha qayrkaa,
Hadii aad qar iyo buur, isku qaado waa dhibe, 

 Dhul-kooddii qawaday baan, Ku qulaansha leeyoo,
 Dal-kiinii qadari-yoo, Uga dhigay qasaa-sile,
 Qaadi-roow na garansii, Qoysas-koo dib loo raro,
 Ninka qaaf ku darayaw, Qalin-kaaga soo rido.
Qiiro laguma tiriyee,waa qayb illaahaye,

Qiil-yaraw ha soo gelin, tani maaha qayrkaa,
Hadii aad qar iyo buur, isku qaado waa dhibe, 

Ama jooji qaaq-layn,Qab-qab-tiyo durbaan tumid,
Qarqar-kaad ka jafay-siyo,Qalam-jalamta beenta ah,
Qufac looma baahnee,Yuu qaydhin kaa noqon,
Kayggii waan qoto-miyeye,Hadal yuu i qaadine,
Waxad qaaflay haysiyo,Qasna-daada soo daa,

Qiil-yaraw ha soo gelin, tani maaha qayrkaa,
Hadii aad qar iyo buur, isku qaado waa dhibe.


Waxan ku soo xidhay ama dabray qoraalkan, dhalin-teenii ma taqaano, arimaha degaan-keenu lahaan jirey, in kaste oo ay badan-koodu iskaba dabr go'een, qaarna aanay arag-ba, xataa aanay maqlin-ba dhirta aan sare ku soo taxay iyo wax tar-koodda. debed baxii wuxu inoo taray dhaqan la'aan, tafsiir go', anshax xumo, cadaalad la'aan, aan la kala gar qaada-nayn, xishoodkii oo hungri bedelay. Waxa ay maah-maahi ahayd " Nin soori Kaa qaaday, waa nin seefi kaa qaaday" Maantana waxa aynu maraynaa, in uu qofku ku siisto nafar Bariis ah, mijin qaad ah iyo wax ka sii liita, beenta waa lagu ceeshaa, xaqa iyo runta wax laguma cuno ee waa hooyadda iyo aabaha gaajadda, Akhristaw " Run sheeg wuxu noqday bello sheeg" Marka aad qof shaqo cid uga doonaysid, waxad ku odhanaysaa " Meel Dufan leh ii gee" Si uu wax u xado weeye, oo hantidda ummadda uga fara-qabsado " Sidda Wiilka uu dhalay Askarigu iyo Heego" Ugu dambayn ma jiro wanaag dalkii yaalaa, ee wax fiirsha, oo dib ha la isugu noqdo.

* N.B Qaadi-roow na garansii, qoysas-koo dib loo raro.
Qore:- Abdi-shotaly,
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...