Halista application-ka Tik tok iyo mooganaanta bulshada.

0
Tuesday October 13, 2020 - 10:07:30 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 911
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Halista application-ka Tik tok iyo mooganaanta bulshada.

    W/Q. Mawliid Maxamed Siciid.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q. Mawliid Maxamed Siciid.


Application-ka Tik tok waa mid kamid ah Barnaamijyada caalamiga ah ee u hana qaaday dalka China laguna isticmaallo "social media" baraha bulshada waxana samaysay shirkadda ByteDance ee dalka shiinaha.  Waxa lagu hal abuuraa muqaalo gaagaaban, music iyo codad.


Guud ahaan caalamka oo dhan barnaamijka Tik tok waxa isticmaala oo si firfircoon ugu xidhan dad gaadhaya 800,(siddeed boqol oo milyan oo qof) dadkaas boqolkiiba 40 ayaa  da'doodu ay u dhexaysa 14 sano jir ilaa 24 jir.

Sanadkii 2019 Tik tok waxa uu noqday application-ka ama barnaamijkii ugu badnaa ee lasoo download garaysto ama dadku lasoo dago.



Danger #1  Halista 1-aad ee barnaamijka Tik tok.

Barnaamijka Tik tok marka aad lasoo dagayso waxa uu ku waydiinaya "permission" ama ogolaansho inuu kaa hello si aad u isticmaasho inaad aqbasho in lagula isticmaalo xogtaada gaarka ah sida " microphone, camera, contacts, location services, and clipboard. Waa inaad ogolaato inaad Mobile-kaaga xogtiisa u furto sida Microphone-ka, Kamerada, Lambarada kuugu jira, halka aad joogto iyo waxyaabaha aad qorayso oo dhan!. Dad badani ma dhaadana laakiin waa arrin halis wayn ku ah "security" amniga qofka iyo xogtiisa gaarka ah "privacy". Intaas oo dhan marka gacanta lagaaga dhigo ayaa laguu ogolaanaya inaad Niikiso ama aad dhex dabaalato badweynta dhaqan xumada ah ee uu xambaarsan yahay Tik tok. Dr. Darren Hayes,  oo ah khabiir ama professor ku xeel dheer Cyper security-ga kana tirsan Jaamacadda Pace university ayaa sheegay in qofku marka uu lasoo barnaamijka Tik tok isla markaana ogolaado shuruudda ogolaanshaha ee ku xidhan in laga bilaabo markaas xogtiisa oo dhan lagu kaydinayo System-ka shirkadda (Byte dance) ee samaysay Tik toga, halis wayn ayuu ku noqon karaa "National security" amniga guud ee qaranka waxana laga basaasi karaa hadday isticmaalaan xogaha  Madaxda dalka  caruurtooda iyo xaasaskooda iyo Millatarigu qarankaasi leeyahay. Waxa xusid mudan in dawladda China lug ku leedahay barnaamijkan.


Danger #2 Halista 2-aad ee uu leeyahay barnaamijka Tik tok.

Umadda Soomaaliyeed madaama ay yihiin dad boqolkiiba boqol muslim ah gabi ahaanba kuma haboona inay isticmaalaan application-ka Tik toga, waayo waa barnaamij loo design gareeyay dhaqan xumo, Music, Isqaawin, is ruxid, Afxumo iyo waxyaabo badan oo dhaawac ku keeni kara Imaanka, Diinta iyo dhaqanka suuban ee ruuxa muslimka ah. Waa Barnaamij bilaa macni ah oo luminaya waqtiga qofka isla markaana aan faa'iido lahayn marka loo eego apps-ka social media ee dadku isticmaalaan.


Dalalka iska joojiyay ama ku dhawaaqay inay mamnuucayaan barnaamijka Tik tok waxa kamid ah USA, India, Japan, Taiwan, Indonesia, Pakistan iyo qaar kale, halista uu Application-ka Tik tok ku keeni karo awgeed  ee dhinaca Amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo dhaqan bulshada.


Culimada Soomaaliyeed ayaan  haba yaraatee ka hadal khatarta barnaamijkan Tik tok iyo sida uu meesha uga saarayo dhaqanka iyo akhlaaqda dhalinyarada iyo haweenka halka ay kaga mashquulaan waxyaabo kale.


W/Q. Mawliid Maxamed Siciid.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...