Xildhibaano Ka Tirsan Galmudug Oo Kasoo Horjeestay Go'aankii Guddoomiye Gacal

0
Tuesday October 13, 2020 - 10:03:15 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 1301
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaano Ka Tirsan Galmudug Oo Kasoo Horjeestay Go'aankii Guddoomiye Gacal

    Xildhibaanada baarlamaanka Galmudug ayaa si weyn uga soo horjeestay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaanada baarlamaanka Galmudug ayaa si weyn uga soo horjeestay




Kulamo looga soo horjeedo Gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal ayaa ka socda Magaalada Dhuusamareeb ee Galmudug sidda ay Risaala u xaqiijiyeen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Galmudug.

 

Xildhibaanada baarlamaanka Galmudug ayaa si weyn uga soo horjeestay tilaabo gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug uu ka qaaday Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Galmudug.

Xildhibaanno ka careysan warqad uu soosaaray Guddoomiyahooda Maxamed Nuur Gacal isla markaana uu shaqada uga joojiyay Xildhibaan Cabdullaahi Axmed Calasow ayaa cabasho u gudbiyay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor.

 

Calasow ayaa ka mid ahaa xildhibaanadii kursiga kula tartamay Gudoomiye Maxamed Nuur Gacal, islamarkaana hadda ah Wasiir dowladaha Wasaaradda Amniga maamulka Galmudug.

 

Xildhibaanka ayaa la sheegay in uu ka mid ahaa xildhibaano si weyn uga soo horjeeday gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug oo maalmihii lasoo dhaafay waday olole ka dhan ah in xilka laga tuuro.


Loading...
Loading...