Safiirka Somaliland Ee Taiwan Sacabku Qarin Waa

0
Tuesday October 13, 2020 - 09:59:14 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 926
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Safiirka Somaliland Ee Taiwan Sacabku Qarin Waa

    WQ/Rashiid Odawaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

WQ/Rashiid Odawaa

Tan iyo markii la magacaabay Safiirka Somaliland u fadhiya magaalda Taipei ee waddanka Taiwan Ambassador Maxamed Hagi maxamuud waxa uu noqonayaa waa taariikhda markii ugu horraysay ay Siyaasaddu arrimaha dibadda Somaliland ay wareegto ama kor u socoto cabbir dhan saddex meelood laba ayna u dhowaato figta sare buurta yoolka ay higsanayso Somaliland tan iyo la soo noqoshadii madaxbanaanida.

 

Magacaabista la magacaabay masuulkan waxay dhulgariir ku nqotay oo hurdo iyo jiifba u diidday mid ka mida Waddamada awoodda sheegta oo ah China oo ah waddan veto power leh,ka dib Markii safiirka muqdisho u fadhiya China Mr Qin Jian uu isku soo maqiiqay Somaliland isagoo horena ay hadalo gef iyo meel ka dhac ku ah Somaliland afkiisa ka soo baxeen waxayna u muuqatay inay ka wada socdeen xukuumadda taagta yar ee Muqdisho, hase ahaatee waji gabaxii ku qabsaday iyo khajilaaddii waa la ogaa ka dib markii uu madaxweynuhu ka diiday inuu la kulmo,waayo waxa uu rabay waxay ahayd joojiya xidhiidhka Taiwan la yeelateen,faro madhan ayay kala carraabeen isaga wafdi ka yimi china oo xoojin ahaa,waxa kaloo xusid mudan sida ay u bogaadisay Dowladda maraykanku xidhiidhka labada dal,waxan uga socdaa waxa arrintaas keentay  xidhiidhka cusub ee ka dhex unkamay Somaliland iyo Taiwan taas oo in muddo ah ka soo shaqeeyay Maxamed Hagi maxamuud.

 

Waxad ka garan kartaa Heerka ay gaadhsiisnayd magacaabista masuulkan dhiggiisa Hargeisa ay u soo magacowday waddanka Taiwan Mr Chen-Hwawuxu ahaa qunsulkii xafiiska dhaqaalaha ee Taiwan u fadhiyay Riyaad "Saudi Arabia” oo ah waddamada Saliidda Qaniga ku ah isla markaana lagu tilmaamo waddanka shidaalka ugu badan soo saara caalamka,halkan waxad ka fahmaysaa,heerka iyo maqaamka uu gaadhsiisanyahay xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan.

 

Sidaas darteed guntii iyo gunaanad waxan odhan Maxamed Hagi halkaas aad imika ka waddo meelo ka sarraysa hore ugu soco ilaahayna la kaasho waxa suurto gal ah inaad taariikhda baal dahab ka gasho oo aad noqoto shakhsigii ugu horreeyay ee ku guulaysta Ictiraafka Somaliland insha allah.

 

Rashiid Odawaa M.A Diplomacy and IR

[email protected]

063-4101213

 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...