Madaxweyne Biixi Halkuu Gabiley Ka TaaganYahey Waxa Tusaale Inoogu Filan Sida Uu Gobolkii Dhulkiisa uga Qaadayo
Deegaano Kale oo Qabyaalada Ku Wato
Najiib Ismaaciil Maxamed
Soomaalidu WaxeY Tidhaahdaa Nin Fadhigaaga Arkaya Looma Sarajoogsado,
In Badan Ayaan Ka Hadley, Nasiib Darada iyo Rajo La,aanta ay Gabiley Ka
Mudatey Madaxweyne Ay u Qiiroodeen, Laakiin ay Kala Kulmeen Waxaanay
Filayn inkastoo Muuse Biixi Yahey, Kii ugu Necbaa Madaxdii Soomaalida
iyo Somalilandba Soo Martey, inabadan oo Maanta Ka Dhoohan, Wakhtiga
aynu Kujirno iyo Halka ay Dunidu Maraysaana ay Wali Ninkaa Jaahilka ah u
Guulwadaynayaan, Tusaale ahaan Waa Madaxweynihii ugu Aqoonta Yaraa ee
ina Soo Mara Sababtoo ah Waxa Tusaale inoogu Filan Khudabdihiisa Jaban,
iyo Damaciisa Nacasnimada ah ee Masaakiinta iyo inta dad ugu Xigta uu
Culayska ku Saarey kagana Qaatay Hantidii Ma Guurtada aheyd.
Ninbaa Wuxuu Yidhi, Doqontu Sadex iyo Toban Indhood ayay Leedahay Mid
Kaliya ayay Cadaawaha Iskaga Eegtaa 12 kalena,Waxey ku Fiirisaa
Walaalkeed iyo inta Dad ugu Dhaw, qolada Jaamacada Timacade Afar Jeer
ayay ugu Tageen in uu Ardeyda Gabiley Kala Qeybgalo, Xaflada
Qalinjabinta oo Waliba inamada La Shaqeeyaa Mar Walba hordhigeen, oo ku
Yidhaahdeen Markaad Madaxweyne Khamiista Qalinjabinta Gabiley Ka
Qeybgasho, Jimcaha Gabiley kusii Nagaw Sabtidana Ku Kalah Boorame Afarta
Jeerba Si adag ayuu u Diiday, oo Waliba Ku Dagaalay Kuwii La
Shaqeynayay, Waa Dhalinyaradii Qabyaalada Ku Taageeray Ee aan Seexan
Habeeno Badan Doorashadiisa, Ee Lahaa Muusaw Najiidh, Waa Ayaandaro Wey
Jireen Xaqiiqdii Rag Waayeel ah oo Garanayay Muuse Qofka uu Yahey,
Laakiin Dhag Looma Dhigin, Maantana iyagaa Yaqaanay Muuse Ee Wali
Qaarbaa Ka Dhago La, aHadaynu Dib ugu Noqono Dhibaatooyinka Gabiley
Kasoo Mudatey Madaxdii Kala Duduwanayd Ilaa Cahdigii Afweyne Waa Mid aan
Lasoo Koobi Karin, Kacaankii ayay Ku Dedaashay Si au Gobol u hesho Wuu
Diiday, Marxuum Cigaal ayaa Xataa Geedaha Loo Fuulay, oo Taageeradiisii
ay Dhabarka Kaga Jabtey Wuxuu ugu Badheedhay inuu Gobolkiisii Saaxil Ka
Hormariyo, Daahir Rayaale ayay Luuqada Walba kula hadashey Kadibna Wuxuu
Marey Waddo adag Si Mid Ka Dambeeyaa Aanu Gobol Dhameystiran Usiinin
ayuu Ku Dhex tuurey Tuulooyinkii, Siilaanyo oo Waagii uu Mucaaridka ahaa
Gobol u Balanqaadey ayaa isna Intii Yareyd Kaga Sii Joogsadey, Waxaa
Xigay Ninka Maanta Talada Dalka Haya Ee Muuse Biixi Waxaa Ficiladiisa Ka
Muuqda Inuu Cadaawad iyo Cuqdad Guun ah Gabiley u qabey, Ficilada uu
Maalin Walba Samayanayo, Markaasay Waliba Qaar u Guulwadayanayaan
Warmoogta ahi, jadaan Tusaale gaaban kasoo Qaato Wakhtigii Marxuum
Cigaal ee Dagaalada Sokeeye Ka Socdeen Hargeysa Madaarka Kalabaydh ayaa
La Furey, si Madaarkii Hargeysa Loogu Meelgaadho, isagoo Taa Ka
Dagaalamaya, Muuse Biixi isagoo Wasiirka Arimaha Gudaha ah ayuu
Deegaanka Abaarso, Madaar Ka Xaadhxaadhay, oo Waakii Ina Cigaal Kulahaa
Muusaw Maantana Abaarso Xaadxaadhkaagiiba.
Waar Reer Gabilayaw Xaqiiqda Markaynu Ka Hadalano Muuse Biixi Idinma
Jecla, Idinma Ogola Waa Cadawgiina Koowaad Alle Dhiiga idinkama Qaadee
Maanta oo aynu Mareyno 2020kii Ayuu Deegaanadii Gobolka Degmadii
Arabsiyo Ka Goynayaa, Waatii ay Aw Ciise Jaamac(Gacanloo), isku Haysteen
1994kii Guntiga Dhiisha Iska Dhiga oo hadaad Dhimanayso Dhareerkaa la
Iska Duwaaye Ninkaa iyo Wixii Inoo kala Meel Yaala Mooyaane, Yaynaan
Rajo Ka Sugin Maalin Walba Waxaad arkeysaa Qaar Ku Foogan oo Ku Maqan oo
u Jawaabaya Dadka uu Ka Jecelyahey, Ee Isaga Wax Ka Goosanaya, Bari iyo
Galbeedba.
Najiib Ismaaciil Maxamed
Somaliland Gabiley
Tell:-064466339
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...