Hogaanku Wuu Tegi Doonaaye , Hal Aynu Isla Ogaano !!!
W/Q: Muxamed Dhimbiil
Jamhuuriyada Somaliland waxa iska soo badelay shan Madaxwayne oo uu
hadda joogo madaxweynihii shanaad ee qaranka Jamhuuriyada Somaliland ka
dib markii ay Somaliland qaranimadeeda dib ugala soo noqotay Somalia
18-May-1991.
Madaxwayne walba oo soo maray waxa uu ku beegmay xaalad iyo marxalad
uu dalku markaa marayey, waxii kaga beegnaana wuu ka qabtay ee markaasi
awoodiisu ahayd , waxaana ka hadhaya uun waxii uu qabtay iyo taariikh
lagu xasuusan doono.
Waxa hubaal ah in hogaamiye kasta oo qaranka soo maraa uu maalin uun
ka tagi doono talada iyo kursiga uu ku fadhiyo , laakiin inaga waxa
inoo muhiim ah ee inoo hadhayaa waa dalka iyo waxii wanaagsan ee laga
qabto oo noqonaya dhaxalka iyo wanaaga umadu iska sii daba dhaxli
doonto.
Markaa waxa aynu u baahanahay in aynu ku baraarugsanaano oo
ilaashano wanaaga iyo wadajirka qaranka jamhuuriyada Somaliland oo ah
dhaxalka uu jiilba jiil u gudbin doono, waxaana inagu waajib ah in aynu
taa u guntano oo hadba qofka hogaanka qaranka haya iyo kooxda uu cugtey
ee la shaqeynaysa aynu nidaamka iyo sharciga ku ilaalino si aanay
dhibaato iyo caqabad inoogaga tagin.
Hogaanka maanta joogaana wuu tegi doonaa ee hal aynu isla ogaano, in
uu inooga tago dal qurux badan oo wanaagsan oo dadkiisu mideysan yihiin
dadkiisu dhisan yihiin oo ay yihiin umad u jiheysan wax wada qabsi iyo
horumar, aynu ogaanona awooda meesha lagu fadhiyaa in ay tahay ta
shacbiga Jamhuuriyada Somaliland oo hadba cida ay u gartaan mooyaane in
aan cid kale imanayn.
Kala duwanaanshaha aragtida iyo qaabka wax loo hogaaminayaa waa mid
lagu kala duwanaan karo oo binu adamku waligii ku kala duwanaa, ha
yeeshee muhiimada iyo waxa aynu ilaashanayno ee tacabka badani inagaga
jiraa waa waxa aynu wada leenahay oo ah dalka iyo wanaaga dadkiisa.
Muxamed Dhimbiil
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...