Kastamkii Balligubadle Oo Xidhmaya, Cashuuraha Oo Magaalada Lagu Kala Qaato Iyo Qorshaha Maamule Maxamed Jaamac

0
Tuesday October 13, 2020 - 00:05:22 in News by
  • Visits: 1772
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kastamkii Balligubadle Oo Xidhmaya, Cashuuraha Oo Magaalada Lagu Kala Qaato Iyo Qorshaha Maamule Maxamed Jaamac

    Kastamkii Balligubadle Oo Xidhmaya, Cashuuraha Oo Magaalada Lagu Kala Qaato Iyo Qorshaha Maamule Maxamed Jaamac

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kastamkii Balligubadle Oo Xidhmaya, Cashuuraha Oo Magaalada Lagu Kala Qaato Iyo Qorshaha Maamule Maxamed Jaamac


Balligubadle(HWN):-Kastamka cashuuraha xarunta gobolka Hawd ee Balligubadle ayaa wali wajahaya cadaadisyada kaga imanaya xukuumada Muuse Biixi.


Xukuumada somaliland ee uu Muuse Biixi hogaamiyo oo hore cashuuro dheeraad ah ugu soo rogtay ganacstada isticmaasha kastamka cashuuraha ee magaalada Balligubadle si ay u soo xidho ayaa ilaa haatan sii wada hagardaamooyin ka dhan ah kastamkaasi.




Ka dib markii maamulaha kastamka loo soo magacaabay Maxamed Jaamac oo lagu amray inuu fuliyo talaabooyinka ay xukuumadu qaadayso si ay u soo xidho kastamka magaalada Balligubadle ayaa haatan dhankiisa bilaabay qorshayaal u gaar ah oo uu ganacsatada kaga hor istaagayo inay cashuuraha mariyaan kastamka taas badalkeedana waxa uu hirgeliyey nidaam musuq maasuq oo uu u leexsaday cashuurtii ay waajibka ahayd inuu kastamka ku qaado.


Maamule Maxamed Jaamac ayaa heshiis la gaadhay qaar ka mid ah shirkadaha qaadkooda soo mariya kastamka magaalada Balligubadle, isaga oo ka dalbaday inay qaab qarsoodi ah ku soo galiyaan qaadka ka dibna uu magaalada gudaheeda kaga qaato cashuurtii ay ahayd in dawlada loo xareeyo taas haatan ku dhacda jeebadaha maamulaha kastamka.


Maamulaha kastamka Balligubadle Maxamed Jaamac ayaa si gaar ah u leexsada cashuuro uu ka qaado ganacsato jaadka ku iibiya gudaha magaalada Balligubadle kuwaas oo ka soo talaabiya xadka Itoobiya iyaga maamulahana ka hela taageero u suuragalisa inaanay soo marin kastamka taas badalkeeda ay cashuurtii dawlada u xaroon lahayd uu si gaara uga qaato masuulka ku magacaaban maamulka Kastamka Balligubadle.


Sidoo kale maamule Maxamed Jaamac ayaa cadaadis xoogan ku haya ganacsatada alaabooyinka soo mariya kastamka Balligubadle isaga oo ku amra inay bixiyaan lacag badan oo cashuur ah taas oo aanay awoodin, talaabadaas oo ka mid ah kuwa la doonayo in lagu soo xidho guud ahaanba shaqada kastamka Balligubadle.


dhinaca kale dayacaad badan ayaa ka muuqata xarunta kastamka ee magaalada Balligubadle iyada oo dayrkuna uu qarka u saaran yahay inuu dumo halka baabuurtii ka hawl galaysay ay ku dhex baaba'een geerashyo ku yaala magaalada Balligubadle.



Loading...
Loading...