Baarlamaanka Somaliland Wuu Khaayisay Markii Doorasho La'aan Aynoqdeen Xukuumaddii Eegataana Way La Khaaisaysaa
Madaxweyne Muse Biixi markay khasab gudoomihiyihii Kulmiye,
murashaxii
Kulmiye iyo Madaxweyne nimadii u xidhay Xukuumaddii uu Siilaanyo Ka
xanuunsaday Waxaa markaa Miiska SOMALILAND sarnaa arimo muhiima oo dhawr
ah ay ugu horaysay in ummaddii masiirkeeda la farasaaray ee
qabiilooyinka loo qaybiyey in dib loo soo dhiso (public confidence)kooda
(sychological, spiritual and emotional) .in madmadawgii dulsaarnaa
Dekedda Berbera iyo Military Base Ka loo caddeeyo ummadda Lana taabsiiyo
waxay KU bedesheen. In BAARLAMAANADA inagu Dul khaa'say ee urta badani
kasoo baxayso la dareeriyo, in ictiraafkii oo duugoobay Commission u
qalma loo sameeyo. In danguud boobkii DHACAY ee maalkii ummadda
Xawaaladaha lagu shubtay wax laga soo celiyo (geel caruuri qaaday ma
dheera e), in Saami qaybsiga la wanaajiyo wuxu waa bariis Gacanta la
gelinayee cidiba dayaxa tegimaysee oo gunni mada laga yaqyaqsoodo OO
SOMALILAND la wadayeesho cidhif Illaa cidhif. Sicir barar kii oo aan
loo dhaqaaqin.Weli Xukuumaddii Muse Biixi ummay dhaqaaqin arimihii
wadanku wadan KU noqonlahaa ee dhinac kale ayey u kacday oo aad u liita
sida yeedhyeedhida Ethiopia iyo Imaaraadka oo dhulalkii Somalida yidhi
waa RAQEEY oo Dekedihii KU duulimaad ah Dekedda Jubaland waa Kismaayo e
oo iyadu XINIINYO DABADOOD KU TAAL OO WAXBA LAGU FALIWAAYEY MOOYEE.
MUSE Biixi hoos u dhaadhaca ha Ka noqdo labada arimood ee u dambeeyey BA
waa kiisas Suldaanada iyo Caaqiladu dhamayn karayeen midi waa tii ina
Geelaha DJABOUTI uu SOMALILAND Ka dhex kaluumaysanayey ee Wershadeenna
Qudha UU xidh is yidhi, ta Kala a waa Dhulkan dadka masaakiinta ahi
deganayeen ee Xuukuumaddu caddaysay Inay Xoog kaga qaadayso , dhulka
xoog waxaa dadka laga qaadaa marka Aafooyin qaran iyo dagaalo yimaaddaan
ee haddii kale in arinta hoos loo dhammeeyo oo Gacmo Geeljire hoos baa
loo dhaqaaayee dadka magdhaw wacan iyo shahaado Sharaf la siiyey ahayd.
Waxaan uga socdaa maqaalkan kooban arimihii Dawladeena horyaalay ee
(significant problems) ahaa weli ummay dhaqaaqin taasina waxay markhaati
Ka tahay Xukuumada Muse Biixi iyo In Kaahin inaanay SMART ahayn.
Hubaal REER Somalia DOOD BAA INA DHEXTAAL REER SOMALILAND QUDHOODANA
DOOD BAA DHEXTAAL doodihii bilaabmayna waa taa Xukuumaddii sas Ka
qaadday durba.
Waxaan arkaa hadday Xukuumaddu KU celceliso ummadda waxaan
wanaagsanayn in la gaadhi doono waqti adag oo maamul daadegiyi waayo.
M BASHE
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...