Arrimaha Caafimaadka: Tayfoodh (Typhoid fever)

0
Monday October 12, 2020 - 17:53:47 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 324
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Arrimaha Caafimaadka: Tayfoodh (Typhoid fever)

    Waxa Diyaarisay Deeqa Aadan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa Diyaarisay Deeqa Aadan


Maanta waxa aynu soo qaadan doonaa xanuunka Tayfoodh oo aad caan uga ah dalalka soo koraya, inagana bulsho ahaan inagu badan.


Lis Dairy

Cudurkani waxa uu ku dhacaa hab-dhiska dheef-shiidka iyada oo uu keeno astaamo kala duwan. Cudurkan waxaa la daalaa dhacaya ku dhawaad 21.6 milyan oo qof. Dadka cudurkan u dhinta ayaa lagu qiyaasaa 200 oo kun oo qof sanad kasta.


Cudurkan ayaa lala xidhiidhiyaa heerka nadaafadeed oo liita iyo ururka dadka oo bata.


Cudurkan waxa keenta nooc bacteria-da ka mid ah oo inta badan weerarta dheef mareenka jidhka bini aadmiga. Bacteria-dan ayaa la aaminsan yahay in fadhiisinkeedu yahay dadka oo ay iskaga dab qaado. Ilma aragtaydan ayaa ah mid adkaysi u leh walxo badan. Waxa la sheegaa in kulayl badan oo gaadhaya ilaa 160 degree Celsius  muddo 15 daqiiqo ah uu dili karo bacteria-dan. Waxa ay ku badbaadi kartaa todobaado cuntooyinka qalalan, agabka caafimaad qaarkood iyo saxarada.


Cudurkan ayaa laga qaadaa cunto wasakhawda oo uu qofku qaato. Mararka qaar waxa lagu ladhaa inuu isticmaalay xamaamka dabadeed iska indho tiro qofku inuu saabuun ku farxasho, ka dibna gacmo sida bacteria-dii uu cunto ku cuno.


Cudurkan waxa jira dad u bandhigan halistiisa oo uga nugul dadka kale:-


  1. Dadka socdaalku yahay shaqadooda gaar ahaan goobaha uu ku badan yahay cudurkani.
  2. Shaqaalaha caafimaad ee baadhaya inta badan muunado ay ku jirto bacteria-dani
  3. Inaad la kulantay qof cudurkan qaba dhaawanahan
  4. Cabitaanka biyaha wasakhoobay

Hab-dhiska dheef-shiidkeenu waxa uu adeegsadaa qaabab kala duwan si uu isu difaaco. Waxa ka mid ah dheecaano dahaadha unugyadeena si ay uga hor tagaan hagardaamo soo gaadha, aysiidha caloosha ( Acid) oo iyadu inta badan burburisa ilma aragtayda kala duwan. Waxa aan ka madhnayn dhaqaaqa muruqyadeena oo iyagu sameynaya socod joogto ah kaas oo diidaya inay ku hakadaan wax kasta oo dhib u keeni kara jidhkeena. Haddiiba ay dhacdo inuu si uun u soo dhaafo dhufaysyadaa kala duwan ee difaaceena waxa uu keeni karaa astaamaha cudurkani leeyahay.


Astaamaha cudurkan ayaa ah qaar halis badan oo horseedi kara xanuun daran halka qaar kalena yihiin astaamo fudud oo dhakhso looga soo kaban karo. Waxa ka mid ah :-

  • Daal badan
  • Madax xanuun
  • Xumad sii kordhaysa maalin kasta
  • Caloosha oo xanuunta
  • Calool istaag ama shuban
  • Muruqyada oo xanuuna
  • Dhidid
  • Qufac qalalan
  • Cuntada oo qofku ka kaco iyo miisaanka oo yaraada

Qodobka ugu muhiimsan ayaa ah in uu bukaanku fahmo in cudurkani aanu ku dhicin madaxa ee uu madax xanuunku keliya ka mid yahay astaamihiisa.


Cudurkan ayaa lagu baadhaa qaabab kala duwan oo inta badan is kaba


  1. Waxa aad ku garan kartaa cudurkan astaamaha qofku ka cabanayo oo iyagu ah qaar la isla yaqaano inta badan
  2. Dhiigga oo la baadho
  3. Saxarada oo iyana la baadho
  4. Dheecaanada midhicirada oo iyagana laga ogaan karo

Daawaynta iyo maaraynta xanuunkan marka aynu eegno, waxa laga ma maarmaan ah in bukaanku sheego halka uu tagay haddiiba uu socdaalay 60 kii cisho ee u dambeeyey.

Si guud waxa la siiyaa cudurkan daawooyin kala duwan oo ay ugu horreeyaan

? antibiotics kala duwan

? xumad jebiye

? Fuuq celiyayaal (IV Fluids)

? Nafaqada bukaanka oo kor loo qaado


Cudurkan in laga hortago ayaa ah qodobka u weyn ee hoos loogu dhigi karo tiradiisa. Waxa lagaga hor tagaa nadaafadda oo kor loo qaado, bulshadu inay hesho biyo nadiif ah, in la baro dadkeena dhibka uu keeni karo qashinka la raacinayo iliiladaha durduraya xiliyada roobka iyo in reer miyiga la baro goobaha ku haboon qashinka jidhka bini-aadmiga ka soo baxaya. Waxa jira talaal walow aan si joogto ah loo adeegsan oo cudurkani leeyahay. Aalaa waxa la siiyaa dadka la kulmay qof qaba xanuunka, hawl wadeen caafimaad gaar ahaan qaybta shaybaadhka iyo qofka u safraya goobaha uu ku badan yahay cudurkani. Talaalkan ayaan loo ogolayn carruurta ka yar laba jir iyo qof hore u qaatay oo jidhkiisii xasaasiyad ku yeeshay. Waxa jira 3 nooc oo talaalka ah oo ku kala duwan hadba waxa qofka la siinayo. Mid ahaan waxa la siiyaa qofka qayb ka mid ah bacteria-da halka labada kale lagu muddo bacteria-dii oo marna dhimatay marna nool, laakiin la wiiqey awooddeedii. Talaalka ayaa ah carin lagu samaynayo difaaceena si uu uga gaashaanto una unko ama u sameysto hubkii ku haboonaa.


Waxa jira dhibaato laga dhaxlo haddii aan si wacan loo daweyn cudurkan. Waxa ka mid ah

  • Cillado ku yimaadda maskaxda iyo dareen wadka jidhkeena
  • Qufac oo siyaado noqda
  • Nabar ku samaysma dalqada
  • Qayb ka mid ah oofta
  • Caabuqa ku dhaca ganaca
  • Dhibaato la soo derista beerka
  • Tiro yar oo bukaanka ka mid ah waxa ay yeelan karaan wadne xanuun
  • Kelyaha oo shaqada yareeya
  • Waxa ugu badan ee ku iman kara qof cudurkani ku dhacay ayaa ah inuu midhicirku dhiig baxo ( intestinal hemorrhage) iyo inuu dalool ku yimaaddo midhicirka qayb ka mid ah (intestinal perforation)
  • Waxa kale oo caan ah dhibaato ku timaada dhiigga ( DIC)

Bukaanka waxa la gudboon in cuntada xoog loo kariyo, diirka laga dhilo ama xoog loo maydho. Waxa iyana qasab ah in qofka lagu adkeeyo nadaafadda gacmihiisa, qoyskiisa iyo bulshada oo idil inuu kor u qaado si uu u yareeyo halista caafimaad ee ka dhalan karta.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...